DEG DEG: Dagaal Xoogan Oo Ka Socda Gobalka Hiiraan Iyo Jugta Tiro Qaraxyo Halkaasi Ka Dhacay

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo xoogan oo saakay ilaa 3:10 duhurnimo maanta ka soconaya deegaano badan oo u dhaxeeya gobalada Hiiraan iyo Shabeellaha dhaxe.

Ciidamo katirsan dowladda oo garab xoogan ka helaya ciidamo kale oo huwan ah ayaa saakay howlgalo xoogan ka bilaabay deegaano badan koofur kaga beegan magaalada Buulaburte ee gobalka Hiiraan.

Howlgalkan ayaa ka bilawday deegaanada Buurweyn, Jinbileey, Dheenta ,Xararlugoole, oo qiyaas ahaan 35 dhanka koofur kaga beegan magaalada Buulaburte ee gobalka Hiiraan Soomaaliya.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya howlgalkaasi iney ka qeyb qaadanayaal Saraakiil Cadaan ah iyo gadiidka dagaalka ciidamada Military-ga Itoopiya kuwa Jabuuti askarta maamulka Hirshabeelle.

Wariyaha Idaacada Simba ee gobalka Hiiraan ayaa Xaqiijiyay dagaalka wali inuu goos goos uga socdo deegaano katirsan gobalka gaar ahaan ciidamada iney hada kaabiga ku hayaan deegaanka Fiidow.

Dhanka kale waxaa jira tiro qaraxyo xoogan oo ciidamada huwanta lagula eegtay inta u dhaxeysa gobalada Hiiraan iyo Shabeelaha dhaxe, inkastoo aysan jirin cid si rasmi ah u xaqiijin karta khasaaraha ka dhashay qaraxyadaasi iyo dagaalka u dhaxeeya ciidamada Huwanta iyo Xoogaga Xarakada Al shabaab.

Xarakada Al shabaab wali wax war ah kama soo saarin howlgalka dagaalka isku badalay ee ka soconaya deegaano iyo tuulooyin katirsan gobalada Hiiraan iyo Sh/ dhaxe, iyo tiro qaraxyo ciidamada lala eegtay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*