Deg Deg:-Ciidamada Dowladda Soomaliya oo Gacanta Ku Dhigay Gaari Qaraxyo Laga Soo Buuxiyey

Wararka naga soo gaaraya Degmada Ceel-waaq ee Gobalka Gedo ayaa Sheegaya in Ciidamada Amniga Maamulka Jubaland iyo kuwa Dowladda Federaal Soomaaliya ay gacanta ku Dhigeen Gaari walxaha Qarxa laga soo Buuxiyey kaasi oo ka yimid Dhanka Wadanka Kenya.

Saraakiisha Amniga ee Degmada Ceel-waaq ayaa Idaacada Simba u Xaqiijiyey inay gacanta ku Dhigeen Gaar Xamuul ah oo ah Nuuca Soomaalidu ay u Taqaano Candhameylaha kaasi oo laga soo buuxiyey Qaraxyo kala Duwan islamarkaana ka soo Gudbay Xaduuda Dalka Kenya.

Saraakiisha Amniga Degmada Ceel-waaq wax ay ka Gaab-sadeen inay Wax Faah-faahin ah ay ka bixiyaan Gaarigaan halka uu sida rasmi ah ugu socday iyo Tirada dadka la socaday ee ay Qabteen.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*