DEG DEG Ciidamada Booliska Iyo Nin Hubeysan Oo Dagaalamaya Guri ku Yaala Muqdisho

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya nin hubeysan oo bam gacmeed ku weeraray fariisin ciidamada dowladda ay ku leeyihiin xaafada furayaasha ee degmada Wartanabada.

Weerarka bam gacmeedka kadib ciidamada dowladda ayaa eryaday ruuxii weerarka soo qaaday oo galay guri dad shacab ah ay leeyihiin oo ku yaala inta u dhaxeysa Isgoyska Cali kamiin iyo xaafada furayaasha.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidamada ay isku gadaameen gurigaasi uu ku jiro shaqsigaasi weerarka bam gacmeedka ah ku qaaday fariisin ciidamada dowladda ay ku leeyihiin warta nabada.

Goobjooge ayaa Simba u sheegay in la maqlayo mararka qaar rasaas ay is dhaafsanayaan ciidamada dowladda iyo ninkii ka dambeeyay weerar lagu qaaday fariisinka ciidan.

Waxii kusoo kordha warkaasi kala soco Simbanews.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.