Deg Deg: Askari Dad Shacab Ah Ku Rasaaseeyay Baladweyne

War goordhaw soo gaaray warqabadka Idaacada Simba ayaa sheegaya in askari katirsan ciidanka maamulka Hirshabeelle uu rasaaseeyay qof shacab ah oo ku sugnaa gudaha Magaalada Baladweyne.

Goobjooge la hadlay Idaacada Simba ayaa sheegay in askari katirsan ciidanka maamulka Baladweyne uu rasaas huwiyay nin watay gaari dameer oo ku socdaalayay gudaha magaaladaasi.

Ninka watay gaari dameerka ayaa la sheegay inuu marayay meel aan sida kaga fogeyn buundada caanka ka ah Magaalada Baladweyne ee lagu magacaabo liiq liiqato, sido kale lama oga ruuxa la toogtay sababa ka danbeeyay toogashadiisa oo hada lagu waramayo inuu soo gaaray dhaawac culus.

Laamaha caafimaadka Magaalada Baladweyne oo xiriiro Simba ay la sameysay ayaa diiday iney ka war bixiyaan halka ay ku danbeyso xaalada ruuxa askariga uu ku dhaawacay aaga buundad liiq liiqato.

Maamulka Magaalada Baladweyne ayaa sido kale ka hadal dhacdadan loo geystay ruuxa shacabka ah ee lagu dhaawacay gudaha magaaladaasi.

Waxii Kusoo Kordha Kala Soco  www.simbanews.net  ama com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*