Dagaalyahano Ka Tirsan Al-shaabab oo Lagu Dilay Magaalada Muqdisho

Ciidamadda Dowladda Soomaaliya ayaa maanta magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ku dilay Labo dagaalyahan oo ka tirsanaa Xarakada Al-shabaaab.

Falkaan ayaa ka dhacay  xaafada Suuqa Xoolaja gaar ahaan halka loo yaqaano Carte.

Sida ay inoo xaqiijiyeen laamaha amniga, Ciidanka iyo ragga shabaabka ah oo watay laba gaari oo midi uu yahay caasi ayaa iska hor imaad daqiiqado socday uu dhexmaray, waxaan ragga shabaabka ah laga dilay labo,halka Ciidamadda Dowladda laga dilay hal askari.

Goobta uu falkaan ka dhacay ayaa waxaa gaaray Ciidamo badan oo ka Tirsan kuwa Dowladda Soomaaiya,waxayna ka sameeyeen howlgal.

Arintaan ayaa imaanaysa xili Maanta dagaalyahan ka Tirsan Shabaab uu weerar ismiidaamin ahaa uu ku qaaday Xarunta Degmadda Hodan ee gobolka Banaadir.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*