Dagaalyahanada Shabaab oo Muddo Kooban La Wareegay Deegaanka Xawaadley

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ku waramaya in Al-shabaab ay saacado kooban maanta la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Xawaadley.

Deegaanka Xawaadleey oo qiyaastii 30 KM dhanka Bari uga beegan degmada Balcad ayaa waxa mudooyinkii dambe ku sugnaa Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka Hir-shabeelle.

Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka ciidamadda Shabaab ayaa ayaa saacado kooban ku sugnaa deegaanka,waxayna la hadleen dadka deegaanka,waxayna dib ugu baxeyn deegaanka.

Ciidamadii dowladda Soomaaliya ee deegaanka isaga baxay ayaa galabta dib ula wareegay,waxaana haatan dagan xaaaladda deegaanka.

Ciidamadda Dowladda Soomaaiya ayaa mudooyinkii dambe isaga soo baxayay deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe, sababo la xiriira Mushaar la’aan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.