Dagaal u Dhaxeeyay Kooxo Hubeysnaa iyo Ciidanka NISA oo Ka Dhacay Muqdisho

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhaxeeyay Ciidamada hay’adda Nabad Sugida Soomaaliya iyo kooxo hubeysnaa oo loo malaynayo in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab oo ka dhacay xalay Degmada Warta-nabadda ee Magaalada Muqdisho.

Weerarka ayaa ka dhacay Xaafada Xamar Jadiid, gaar ahaan halka loo yaqaano Suuqa Sar Guduuda.

Goobta la weeraray ayaa la sheegay in shalay ay dageen Ciidamo Cusub oo katirsan Nabad Sugida Somaaliya si ay kaalin uga qaataan sugida amniga Degmada.

Ragga hubeysnaa ayaa la sheegay in bambaanooyin ay marka hore ku weerareen xarunta, kadibna uu halkaas ka dhacay dagaal toos ahaa oo dhex-maray Ciidamadda NISA iyo kooxaha hubeysnaa.

Inta la xaqiijiyay waxaa weerarkaan ku dhintay Laba qof oo midi uu ahaa askari ka Tirsanaa Ciidamadda Dowladda Soomaaliya, halka ruux kale oo dhalinyaro ah oo magaciisa lagu sheegay Khaalid yare uu halkaas ku dhaawacmay.

Ma Jirto cid ilaa haatan sheegatay Mas’uuliyadda weerarkaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*