Dadka Garsoorka U Doonta Al-shabaab oo Digniin Culus Loo Direy

 

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa digniin culus u dirtay dadka Garsoorka u doonta deeganada ay Maamulaan Xarkadda Al Shabaab.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay in ay jiraan dad garsoor u doonta deeganadda ay maamulaan Al-shabaab,islamarkaana lasoo qaban doono.

Dhanka kale waxa uu sheegay in Garsoorayaasha Maxkamada looga baahan yahay in ay kasbadaan Kalsoonida Shacabka si aysan u aadin meelaha ay jooggaan Al-Shabaab.

Ugu dambeyntii wasiirka ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay dulqaad muujiyaan inta laga saxaayo qaladaadka ka dhex jira Garsoorka dalka.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.