Dad Qaraabe Soke ahaa ahaa oo Caawa lagu Laayay Muqdisho+Magacyo

Wararka ka imaanaya Xaafada Kaabo Godey qeybta degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho ayaa ku waramaya in halkaas caawa lagu laayay dad Qaraabe Soke ahaa

Sida ay inoo goobjoogayaal kooxo la socday gaari kuwa Raaxadda ah ayaa fuliyay dilka,waxaana la sheegay in rasaas ay ku fureen xili fadhiyeen afafka hore ee guriga.

Inta la xaqiijiyay waxaa falkaan ku dhintay 5,ruux,waxaa sidoo kale dhaawacyo culus ay soo gaareen 4-kale kuwaasi oo la dhigay isbitaalka Madiina.

Magacayadda dadka ku dhintay weerarka ayaa kala ah

Maxamed Cabdi maxamed

Maxamed saciid muuse

Cabdi Xasan ibraahim

Cismaan Xasan iidow

Maxamed Cumar Axmed

Dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in dadka lagu dilay weerarka iyo kuwa dhaawaca ah intooda badan ay yihiin kuwo Qaraabo soke ah oo hal qoys ka soo wada jeeda.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.