Dad Loo Soo qabqabtay Nabadoona Xaley Lagu Dilay Muqidsho

Ciidanka amaanka degmada wadajir ee gobolka banadir oo howlgalo ka sameyay xaley ila iyo sakaay aroorti xaafado katirsan degmada wadajir ayaa howlgaladaasi waxa ay ku sop qabqabteen dad badan oo lagu tuhunsan yahay in ay ka dambeyeen dil loogu geystay Nin Nabadoon ahaa Suuqa Weyn ee Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Allahu Naxariistee Nabadoon Muuse Ilka-weyne oo kamid ahaa Nabadoonada Soomaliyeed xili uu kasoo baxay Salaadii Maqrib sida idaacadda Simba ay u sheegeen dad ka agdhawaa goobta nabadonka lagu dilay kooxaha dilka u geystay Nabadoon Muse oom Ku Dhuftay dhowr xabadood ayaa goobta ka baxasaday inkasto daqiiqado kadib ay goobta soogaareen cidamo katirsan maamulka degmada wadajir waxaana howlagalo baritaano ah ay ka sameeyeen goobta dilaka uu ka dhacay.

Maamulka degmada wadajir ayaa xaqijiyay in gacanta ay ku so dhigeen ilaa iyo hadda shan ruux oo mamulku u tilmamay in ay ku eedeysan yihiin dilka Nabadoonka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*