Dab Ka Kacay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho!!!

Dab xooganaa ayaa saakay ka kacay Gudaha Garoonka diyaaradaha aadan cadde ee Magaaladda Muqdisho.

Sida ay inoo xaqiijiyeen qaar kamid ah shaqaalaha Garoonka dabkaan ayaa kacay saakay xili hore Gudaha Garoonka gaar ahaan qeybta Duulimaadyada Caalamiga ah.

Waxaa la xaqiijiyay in ay gubatay Qeybta Cuntada lagu kariyo ee Maqaayadda Garoonka diyaaradaha Magaaladda Muqdisho,waxaana hakad la galiyay duulimaadyadii bixi jiray iyo kuwii imaan jiray xiliyadda Habeenkii.

Ilaa haatan si dhab looma oga khasaaraha ka dhashay dabkaan iyo wixii dhaliyay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*