Daawo: Maxaa Kusoo Kordhay Toogashadii Ka Dhacday Gudaha Bakaaraha

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Kooxo hubeysan oo maanta lagu dilay inta u dhaxeysa Masjidka Xareed iyo Agagaarka Maana taajir wadada koowaad Suuqa Bakaaraha.

Koox hubeysan oo gaareysay ilaa saddex ruux ayaa la sheegay iney dhac ka geysteen markii hore dhanka degmada Wardhiigley, balse markii danbe ay soo galeen gudaha suuqa Bakaaraha, iyaga oo doonayay dhac kale halkaasi iney ka geystaan, balse waxaa ay la kulmeen weerar kaga yimid dhanka ciidamada Booliska, oo halkaasi ku dilay mid kamid ah burcada dhaca ka geysanayay gudaha Howlwadaag.

Ciidamo katirsan dowladda gaar ahaan kuwa Booliska ayaa Toogtay mid kamid ahaa saddexda ruux oo mid uu ku labisan yahay dareeska ciidamada dowladd Soomaaliya oo gacanta lagu dhigay.

Daawo Sawiradda Ruuxa La Toogtay

linkgan toos Facebook uga daawo ku dhufo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*