C/wali Gaas:-”Puntland Kama Maaranto Dowladda Imaaraatka Carabta”,+Dhageyso

Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr Cabdiweli Max’ed Cali Gaas oo shir jaraa`id ku qabtay xarunta Ciidamadda Badda Puntland ee Boosaaso oo ay gacanta ku hayso dawladda Imaaraatka Carabta ayaa si adag uga hadlay xariirka u dhaxeeya labada dhinac.

C/wali Gaas ayaa sheegay in xiriir soo jireyn ah uu ka dhaxeeyo Soomaaliya & Imaaraatka Carabta, wuxuuna sheegay in uu Puntland qiimo weyn ugu fadhiyo xariirka Imaaraatka oo ay ilaalin doonaan wajibaadna ka saaran yahay.

Dhanka kale Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Max’ed Cali Gaas ayaa beeniyay in dhawaan Tabarayaal ciidan lagu xanibay Garoonka diyaaradaha Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari,wuxuuna taasi badalkeeda dowladda dalkaas ka codsaday inay sii labo jibaaraan taageerada iyo  tababarida Ciidamada Badda Puntland.

Hadalka Madaxweynaha Maamulka Puntland  C/wali Gaas ayaa kusoo beegmaya xili Todobaadkaan Puntland ay isaga baxeyn tababarayaal u dhashay dalka imaaraadka Carabta,kadib markii uu xumaaday Xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*