C/wali Gaas oo Gaalkacyo u Magacaabay Guddoomiye iyo Guddoomiye Ku-xigeen.

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xeer Madaxweyne Lr. 176, ku magacaabay Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeenka degmada Gaalkacyo.

Madaxweynaha  Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka
Puntland.

Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo inay sii
socoto shaqada Degmada Gaalkacyo.

Markuu Qiimeeyey: Tala soo jeedinta
Wasaaradda Arrimaha
Gudahada, Dowladdaha
Hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga.

Wuxuu Xeeriyey.

1. Waxaa Yaasiin Cabdisemed Cumar si ku meel-gaadh ah loogu magacaabay Guddoomiyaha Degmada Gaalkacyo.

2. Waxaa Maxamed Cabdinaasir Cigaal Xirsi si ku meel-gaadh ah loogu magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka degmada Gaalkacyo.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu
Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay
Madaxweynuhu.

-DHAMMAAD-

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*