C/qaadir Maxamed Xuseen (Dhaashoow), oo Lagu Dilay Degmadda Kaaraan

Kooxo hubeysnaa ayaa xalay Degmadda kaaraan ee Gobolka banaadir waxa ay ku dileen wiil dhalinyaro ahaa oo si weyn loogu yaqaanay degmadda.

Dilkaan ayaa ka dhacay Maqaayadd ku dhow Saldhiga Degmadda Kaaraan,waxaana fuliyay dhalinyaro bastooladdo ku hubeysnaa.

Wiilka dhalinyaro ahaa ee la dilay ayaa lagu magacaabi jirey C/qaadir Maxamed Xuseen (dhaashoow),wuxuuna kamid ah dhalinyaradda degmadda.

Qof kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay idaacadda Simba ayaa sheegay in dhaashoow uusan xiriir la laheyn dhinacyadda siyaasadda dalka isku haya,islamarkaan aan la ogeyn sababta loo beegsaday.

Dilkaan ayaa qeyb ka noqonaya dilal maalmihii dambe ka dhacayay Magaaladda Muqdisho.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.