Cornel Gabre oo La Dalbaday in Lagu Maxkamadeeyo Magaaladda Muqdisho+Dhageyso

Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo kamid ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay Xariga Colonel Gebregziabher Alemseged oo ku magac dheeraa (Gebre Dilla) balse Soomaalidu ay u taqaan Cornel Gabre.

Xildhibaan-ka oo la hadlay idaacadda Simba ayaa sheegay in guul ay tahay in xabsiga la dhigo Cornel Gabre oo uu sheegay in xasuuq uu ka geystay Soomaaliya, sidoo kalana uu faragalin ku hayay Dowladihii dalka Soo maray.

Sidoo kale waxa uu ka dalbaday Dowladda Dhexe Ee Soomaaliya ee uu hogaamiyo Madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), in ay ka shaqeyso sidii Muqdisho loogu maxkamadeyn lahaa Cornel Gabre.

Cornel Gabre oo soo noqday Taliyihii ciidamada Ethiopia ee Soomaaliya soo galay ayaa loo haystaa in uu dambiyo kala duwan uu  ka geystay dalka intii u dhaxeysay 2006-dii iyo ilaa 2007-dii.

Sidoo kale waxaa loo haystaa dambiyo la xiriira ku xad gudub xuquuqda aadanaha ee gobolka ay Soomalidu degto ee dalka Ethiopia iyo inuu ku lug lahaa banaanbaxyadii rabshadaha watay ee dadka badan ku dhinteen ee  ka dhacay magaalada Jigjiga.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*