C/kariin Qalbi Dhagax oo Gaaray Magaaladda Hargeysa+Sawirro

Magaaladda Hargeysa ee caasimadda Somali-land waxaa maanta gaaray C/kariin Shiikh Muuse (Qalbi Dhagax), oo ka tirsan Jahmadda ONLF.

Cabdikariin Qalbi dhagax  waxaa Garoonka diyaaradaha Magaaladda Hargaysa ku soo dhaweeyay xildhibaano,masuuliyiin ka Tirsan Maamulka Somali-land ,shacab watay Calanka Jamhadda ONLF  iyo Sawiradda Qalbi Dhagax.

Bilowgii sanadkaan Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe oo Magaaladda Nairobi kula kulmay Qalbi-dhagax ayaa sheegay in uu magaalada Hargeysa ku casuumidoono.

C/kariin Qalbi dhagax ayaa sanadkaan dhexdiisa laga sii daayay xabsi ku yaala Magaaladda Addis Ababa ee Caasimadda dalka Ethopia,kadib markii u ku xirnaa bilooyin badan.

Dowladda Soomaaliya ayaa la xusuustaa in bishii August ee sanadkii hore u gacan gelisay Itoobiya, waxaana tallaabadaas la xusuustaa in dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo inay ku weysay inta taageeradii shacabka Soomaaliyeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*