Ciidamo Ka Tirsanaa Dowladda oo Ku Dhintay Qaraxyo Ka Dhacay Shabeelaha Hoose

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku waramaya in qarax dhulka lagu aasay lala eegtay Ciidamo ka tirsanaa kuwa Dowladda Soomaaliya.

Qaraxa ayaa ka dhacay Duleedka deegaanka Warmaxan waxaana lala eegtay gaari Booyad ah oo uu shidaal u siday Ciidamada Bangaraafta loo yaqaan.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaan ku dhintay labo askari oo ka Tirsanaa Ciidmadda Dowladda Soomaaliya,waxaana burbur xoogan uu soo gaaray gaariga Booyadda.

Dhinaca kale warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax ciidamada dowladda Federaalka shalay lagula beegsaday deegaanka Sabiid ee duleedka degmada Afgooye.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaan ku dhintay 6 askari waxaana kamid ahaa sarkaal sare oo katirsanaa ciidamada saldhigga ku leh deegaannada Sabiid iyo Mareereey.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.