Ciidamo Ka Tirsan Ethopia oo Qarax Lagula Eegtay Deegaanka Halgan ee Hiiraan

Deegaanka Halgan oo ka tirsan gobolka Hiiraan waxaa qarax xoogan lagu la eegtay ciidamo Ethiopia ah oo ku sugnaa deegaankaasi.

Qaraxan oo ahaa mid ay jugtiisu aad u xoogan tahay islamarkaana laga maqlay deegaano ka tirsan gobolka Hiiran ayaa dhaliyey qasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray ciidamadii Ethiopian ka ahaa ee lala eegtay qaraxa.

Qaraxa ayaa ka dhacay bar kontrol ay ciidamada Itoobiya ku baaraan dadka badeecaaha ganacsi usoo qaada deegaanka Halgan.

Boqolaal Askar ah ka tirsan ciidamada Ethiopa ayaa isku gadaamay goobta si ay ugu gurmadaan ciidamada lala eegtay qaraxa waxa ayna jareen isgaarsiinta deegaanka.

Sababta ay ciidamada Itoobiya ujareen isgaarsiinta ayaa lagu sheegay in aan la ogaan khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee kasoo gaaray qaraxii maanta lala eegtay iyo iyagoo ka baqaya in qaraxyo kale ay magaalada ka dhacaan.

Dagaalyahanada Al Shabab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkan qaraxa ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.