Ciidamo Hubeysan oo Ku Dagaalamay Magaaladda Muqdisho

Iska hor imaad khasaare geystay ayaa manta labo maleeshiyo ku dhexmaray Degmada Hodan ee Gobalka Banaadir gaar ahaan Xaafada Soonakey.

Maleeshiyaadkaan ayaa ku murmay dhul ku yaala Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho sida ay noo xaqiijiyeen waxgaradka Maleeshiyaadka Dagaalamay.

Inta la Xaqiijiyey Hal ruux ayaa ku dhintay 3-ruux oo kale oo dumar u badana waa ay ku dhaawacmeen iska hor imaadka ka dhacay Degmada Hodan.

Maleeshiyaadka ayaa iska gubay Guryo ku yaalay goobta ay ku dagaalameen balse Waxgarad iyo saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda oo ka soo jeeda dadka muranku dhexmaraya ayaa ku guuleystay inay kala dhexgalaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.