Ciidamo Ethopian ah oo Isaga Baxay Deegaano Ka Tirsan Gobolka Galgaduud

Barqanimadii maanta ayaa Ciidamo farabadan oo ka tirsan Milatariga dowladda Ethiopia ee ku suganaa degmada Dhuusa-mareeb ee G/galgaduud waxaa lagu waramayaa inay isaga baxeen halkaasi.

Ciidamadan ayaa la sheegay inay u ruqaansadeen dhanka degmada Ceel-buur oo ka tirsan isla gobolka Galgaduud,waxaana ciidankan Ethiopianka ah ay wataan sida dadka deegaanku ay inoo sheegeen gadiidka dagaalka.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka Ahlu-sunna ayaa sheegay in aysan ogeyn sababta keentay ka bixitaanka Ciidanka Itoobiya ee Ka baxay Magaaada Dhuusa-mareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud.

Wararka qaar ayaa sheegaya in cidankan ay muddo kooban ay hakad-galiyeen isku socodka gadiidka iyo dadweynaha ee magaalada dhuusa-mareeb waloow markii dambe ay dib u fasaxeen.

Ciidankan qaarkood ayaa la sheegay in hadda ay gaareen gudaha degmada Ceel-buur ee bariga g/galgaduud halkaasi oo lagu waramayo inay durbaba fariisin ka sameysteen xafadaha degmada.

Lama Oga illaa hadda sababta keentay in Ciidanka Milatariga Ethiopia ay isaga baxaan degmada Dhuusa-mareeb ee G/gaduud,waxaase dhawr mar ay horay uga baxeen deegaanada ay kaga suganyihiin gobolada dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*