Ciidamo Cusub Oo Buux Dhaafiyay Wadooyinka Waaweyn Ee Muqdisho

Ciidamada dowladda gaar ahaan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa maanta magaalada muqdisho ka wada baaritaan xoogan oo lagu sameynayo gadiidka shaqsiga ama raaxda.

Inta badan wadooyinka waaweyn ee magaalada dhax mara ayaa saakay waxaa buux dhaafiyay ciidamadan oo ay garab socdaan ciidamo kale oo katirsan laamaha Amniga dowladda oo baaritaano iyo su’aalo weydinaya dadka wata gadiidka raaxda ee ka shaqeeya gobalka Banaadir.

Wadooyinka lagu arkayo ciidamadan ayaa waxaa kamid ah wadada Maka Al mukarama, iyo wadooyinka kale ee ka ag dhaw, waxaana jaam ama ciriiri badan uu ka jiraa wadooyinkaasi, maadama gadiidka dadweyne Hoomeyda iyo Bajaajta, safaf dhaadheer ay ugu jiraan gadiidka la baarayo.

Mudoooyinkii ugu danbeeyay magaalada Muqdisho waxaa ka dhacayay weeraro iyo dilal qorsheysan oo lagula kacayay shaqsiyaad aan la aqoon, iyo askar iyo xubno katirsan dowladda Soomaaliya.

Waxii Kusoo Kordha Baaritaanada Ciidamada Ee Magaalada Muqdisho

Kala Soco oo Soo Boooqo  FACEBOOK/ Radio Simba

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*