Ciidamo Buux Dhaafiyay Wadada Xeebta ee Aada Marka (Sawirro)

Wararka saakay Naga Soo gaaraya wadada dheer ee isku xirta Marka Iyo Muqdisho ayaa sheegay in halkaasi lagu arkayo ciidamo fara badan oo katirsan dowladda, oo halkaasi ka wada howlgalo xoogan.

Sarkaal katirsan ciidamada dowladda ayaa simba u xaqiijiyay in ciidamada lagu amray in howlgalo ay ka sameeyaan duleedka Jilib Marka ilaa wadada soo aada dhanka Xeebta Jazeera ee Muqdisho.

Howlgalkan ayaa daba socdo Kolonyo katirsan ciidamada Dowladda oo Qarax miino lagula eegtay wadada xeebta gaar ahaan Nawaaxiga deegaanka Dhanaane oo koofurta ee magaalada Muqdisho.

Gen. Cumar Aadan Dhabad (Cumar Dheere) Taliyihii qeybta 12-ka April ee ciidanka xoogga Soomaaliya iyo Abaanduulaha qeybta 12-ka Jen. Cabdi Cali Jamaame ayaa kamid ahaa Saraakiisha ku dhintay qaraxaasi miino ee ka dhacay gobalka Sh/hoose.

Saraakiisha ayaa waxaa sido kale la dhintay ilaa 8 askari oo katirsan ciidamada Xooga Soomaaliya.

Jeneraal Cumar dheere ayaa dowladdii Cabdullaahi Yuusuf kasoo noqday wasiirka wasaaradda G/dhigga intii u dhaxaysay sanadihi 2004 illaa 2005.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayaa dusha loogu ritay Masuuliyada qaraxaasi.

Sawirro Laga soo qaaday bur burka Gaarigii lagu qarxiyay Saraakiisha iyo askarta ayaa muujinayay sida baaxada weyn ee Qaraxa gaariga u saameeeyay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*