Ciidamadda Maamulka Jubba-land oo Xildhibaan Ku Xirey Magaaladda Kismaayo

Magaaladda Kismaayo ee caasimadda KMG ah ee maamulka jubba-land waxaa goordhaweyd lagu xirey Xildhibaan ka Tirsan Baarlamaanka Maamulkaas.

Xildhibaanka la xirey ayaa lagu magacaabaa Ahmed Taajir waxaana maalintii shalay aheyd xasaanadda ka qaaday Xildhibaanada Baarlamanka Maamulka Jubba-land.

Xildhibaanka oo maanta shir jaaraid ku qabtay Magaaladda Kismaayo ayaa ka hor yimid xasaanad kala noqosho lagu sameeyay maalintii shalay aheyd,wuxuuna sheegay in uu wali kamid yahay Baarlamaanka Jubba-land.

Intaas kadib Ciidamo ka Amar qaata madaxtooyadda Jubba-land ayaa weerar ku qaaday hoteel uu xildhibaanka daganaa oo ku yaala magaladda Kismaayo,waxaana la sheegay in halkaas ay ka wateen.

Mid kamid ah dadkii ku sugnaa Hoteelka ayaa sheegay in Ciidamadda ay xoog ku soo  galeyn Hoteelka islamarkaana ay halkaas ka wateen xildhibaanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*