Ciidamadda Kenya oo Ka Baxay Buusaar,Al-Shabaab oo La Wareegay

Ciidamadda Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa isaga baxay Xalay Saldhigii ay ku lahaayeen deegaanka Buusaar ee Gobolka Gedo.

Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka, ciidamadda Kenya ayaa labadii maalin aynu soo dhaafnay waday dhaqdhaqaaq ay kaga baxayeen saldhiga buusaar,waxayna ugu dambeyntii ay ka baxeyn habeenkii xalay ahaa.

Ciidamadda ka baxay Saldhiga Buusaar ayaa u jiheystay wadada aadda degmada Ceelwaaq ee kaabiga ku heysa xuduuda ay Soomaaliya iyo Kenya wadaagaan.

Dhanka kale Ciiidamadda Al-shabaab ayaa la wareegay gacan ku heynta deegaanka Buusaar, ciidamada shabaabayaa baaritaanno ku sameeyay saldhigyadii ay faarujiyeen ciidamada Kenya.

Ciiidamadda Kenya ayaa sanadkaan cusub isaga baxay Saldhigyo ay ku lahaayeen Gobolka Gedo,kuwaasi oo ku yaala deeganadda Faafaxdhuun,Tarako.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.