Ciidamadda Ethopia oo Gaari Jiirsiiyay 6-ruux oo Soomaali ah+Xiisadd ka Dhalatay

Xiisad ayaa saakay ka taagan magaalo madaxda gobolka Qorraxey ee Qabri Dahrey, ee maamulka soomaalida itoobiya.

Xiisaddaan ayaa timid kadib markii shalay galinkii dambe ay ciidamada malatiriga itoobiya ay dad shacab ah oo soomaaliyeed ay gaari jiirsiiyeen taasina sababtay dhimashada 3,qof oo shacab iyo dhaawac 3 kale.

Ciidamadii ka tirsan malatiriga itoobiya ee dhibatadaa geystay ayaa waxaa ay sheegeen in dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ay ku wax yeelooween shil balse aysan ahayen ku tala gal.

Balse arinkaa waxaa si weyn u diiday waxgaradka iyo odayaasha Magaaladda dhibatada ka dhacday ayaa  sheegay in gabood falada nocaas ah ay caadeysteen ciidamada itoobiya kadib markii ay arkeen in aysan jirin cid wax ka waydiisa.

Ma jirto ilaa haatan wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Soomaalida itoobiya oo ku aadan dhibaatada ay ciidamada itoobiya ka geystaan magaalada qabri dahrey ee xarunta Gobolka Qorraxey.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.