Ciidamadda Dowladda oo Sheegay in Shabaab kala Wareegeen Deegaano+Sawirro

Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal ka sameeyay deegaano ka Tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfurta dalka Soomaaliya.

Deeganada ay ciidamadda howlgalka ka sameeyeen ayaa kala ah Godale iyo Cadalay oo hoostaga deegaankaToora-toorow ee gobolkaasi.

Sidoo kale Ciidanka Xooga Danab ayaa gudaha u galay deegaanada Luqmaan Cilmi shide iyo Baladul-amiin waxaana halkaasi isaga cararay Al-Shabaab ee ku sugnaa Deegaanadaasi,sida lagu sheegay war kasoo baxay Dowladda.

Howlgalkan Amniga lagu xaqiijinayay ayaa waxaa Hoggaaminayay taliyaha Ururka 4-aad danab ee Xoogga dalka Gashaanle C/Raxmaan Jeeniqaar Sheekh Omar.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.