Ciidamadda Dowladda oo Saakay Kasoo Baxay Fariisimo hor leh

Ciidamo ka tirsan Malatariga Dowladda Soomaaliya ayaa saakay kasoo baxay deegaano ay kaga sugnaayeen Gobolka Shabeelaha Dhexe ee Hir-shabeelle.

Ciidamadaan oo ka cabanaya mushaar la’aan ayaa kasoo baxay degmada Mahaday, Duleedka magaalada Jowhar, Deegaanada Garsaale iyo Qalimow.

Fariisimaha ay ciidankan milatariga kasoo baxeen ee katiran gobolka Shabeelaha Dhaxe ayaa la sheegay in ay ku hareen kuna sugan yihiin qaar kale oo kamid ah ciidanka Milatariga Soomaaliya.

Saraakiil ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in Ciidamada aysan qaadanin afar bilood wax mushaar ah,islamarkaana ay haatan ku sugan yihiin Degmadda Balcad.

Dhanka kale Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in uusan jirin askari aan qaadanin wax mushaar la’aan ah,islamarkaana kuwa cabanaya ay yihiin kuwa aan la diiwaan galinin.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.