Ciidamadda Dowladda oo Muqdisho ku qabtay Madaxii Dilalka Shabaab

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidamadda amniga ay gacanta ku dhigeen sarkaal ka Tirsan Xarakadda shabaab kadib howlgal ay ka sameeyeen Magaaladda Muqdisho.

Warbaahinta Dowladda ee SONNA ayaa baahisay in Howlgal qorshaysan oo ka dhacay Muqdisho 21-kii Bishan ayay Ciidamada Amniga ku soo xireen sarkaal ka tirsan Amniyaatka Alshabaab, waxuuna ahaa shaqsi shabaab ah oo qaabilsan Khaarijnta.

Ninkaan ayaa ka dambeeeyay sida dowladda sheegtay abaabulka iyo hugaaminta Dilal badan oo loo gaystay Dad waxtar leh.

“Dowladda federaalka Soomaaliya waxeey ku hawlantahay dabargooynta Alshabaab si looga badbaadiyo shacabka soomaaliyeed dhagartooda”, ayaa lagu yiri warka.

Waa hawlgalkii sadexaad oo todobaadkaan gudihiisa ciidamadda amniga ka sameeyeen magaaladda Muqdisho.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.