Ciidamadda Dowladda oo Al-shabaab Ka Saaray Degmadda Sablaale ee Gobolka Sh.hoose

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya Kuwa Midowga Afrika ee AMISOM oo maanta ka ruqaansaday degmadda Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa  gaaray degmadda Sablaale, halkaasi oo ay ku sugnaayeen Al-shabaab.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha hoose Mudane Ibraahim Aadan Najax oo la hadlay warbaahinta dowladda, ayaa sheegay in degmadda Sablaale gacanta ay ku hayaan Ciidanka xoogga dalka, isagoo xusay in Xaaladda degmadda ay tahay mid degan, uuna socdo Baaritaano amaanka lagu xaqiijinayo, waxaana uu shacabka ugu baaqay in Ciidammada Ammaanka ay la shaqeeyaan.

Guddoomiye Najax, ayaa sheegay in Ciidanka Huwanta ah ay ku dhowyihiin deegaano kale oo Degmadda Sablaale ay deris yihiin, islamarkaan Saldhigyo ay ku leeyihiin Alshabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*