Ciidamadda DFS oo Kasoo Baxay Furumaha Dagaalka, Shabaab oo Laga Cabsi qabo in ay La Wareegaan

Ciidamada qaybta 12ka April ee Xoogga dalka Soomaaliya ayaa galabta soo baneeyay farumaha dagaalka degaanka dhanaane ee Gobalka Shabeelaha Hoose ilaa Xeebta Jazeera ee duleedka magaalada Muqdisho.

Ciidamada waxay ka cabanayaan mushaar la’aan, muddo afar bilood ah,islamarkaana deegaanka loogu dilay Taliyihii qaybta, laba Ammaan duule, Saraakiil iyo Ciidan kale.

Saraakiil ka tirsan Malatariga Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in muddo afar bilood aysan wax mushaar ah qaadanin,islamarkaana ay dowladda Soomaaliya kasoo jawaabin cabashadooda.

Dhanka kale Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay cabashadda Ciidamadda Malatariga Dowladda Soomaaiya.

“Wasaaradaha Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya iyo Taliska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa waxay ku howlan yihiin diiwaan-gelinta Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed si loo loo tayeeyo howlaha ciidanka loona hubiyo xuquuqda ciidanka,akari walba oo diiwaan-gelintiisa la xaqiijiyay waxa uu qaataa mushaarkiisa oo si toos ah loogu shubo koontadiisa bangiga.

Sidoo kale waxaa loo billaabay in 30 doolar oo kamid ah qoondada raashinka askarta si toos ah loogu shubo koontada uu askarigu bangigiisa ku leeyahay marka la xaqiijiyo diiwaan-gelintiisa.

Ciddii la diiwaangeliyay ee aan weli helin xaquuqdooda billaha ah waxaa ku socda xaqiijin rasmi ah,sidoo kale waxaa wali socda diiwaan-gelinta ciidanka,waxaana ciidamada la diiwaan-geliyay lagu amray inuu ku sugnaadaadaan goobtooda shaqada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.