Ciidamadda Booliska Kenya oo Soo Badbaadiyay 79 ruux oo Soomaali ay Ku Jirto

Wararka ka imaanaya Magaaladda Nairobi ee Caasimadda Kenya ayaa ku waramaya in Ciidamadda Booliska dalkaas ay badbaadiyeen 79 ruux oo ajnabi ah oo afduub ahaan loogu heystay xaafada Mlango Kubwa ee ku taal agagaarka degmada Starehe ee Magaaladaas.

Dadka lasoo badbaadiyay ayaa u kala dhashay dalalka Cameroon,Uganda,Congo,  iyo Soomaaliya, waxaana afduub ku haystay kooxo burcad ah sida ay sheegeen Laamaha amaanka dalka Kenya.

Dhanka kale waxaa socda baaritaanada lagu ogaanayo waxa keenay in tiro dad ah oo intaan la eg hal meel lagu afduubto.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dadkaan jirkooda laga Ganacsan jirey,balse ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Laamaha amaanka Kenya.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*