Ciidamadda Amniga Kenya oo Qabtay Shaqsi Lala Xiriirinaayo Al-shabaab

Laamaha booliiska deeganka Lamu ayaa gacanta ku dhigay qof lala xariirinayo in uu cilaqaad la leeyahay Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya ka dagaalama.

Taliyaha waaaxda dambi baarista  Lamu Paul Leting aya warbaaahinta u sheegay in sidoo kale ciidamadu ay gacanta ku soo dhigeen agab loo isticmaalo walxaha qarxa.

Mr Leting ayaa intaasi ku daray in xubintaan la tuhunsanyahay uu hada ku jiro waaxda dambi baarista, halkaas oo suaalo lagu waydiinayo waxaana uu sidoo kale sheegay in ay gacanta kusoo dhigi donaan shaqsiyaadka xiriirka la leh  AlShabab ee ku dhuumalaysana Countiga

Dhanka kele sarkaal ka tirsan boliiska oo diiday in magaciisa warbaahintu loo adeegsado ayaa sheegay in ninkan laga soo qabtay ispitaalka Fahad ee kuyaala deegaanka Lamu.

Deegaanka Lamu ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay ka dhacayay weeraro khasaare sababay oo ay mas’uuliyadooda sheegatay Al-shabaab.

Ciidamadda difaaca Kenya ayaa gudaha Somaaliya usoo talaabay bartamihii sanadii 2011-kii kadib markii ay ciidamada ugu deeqeeyn howlgalka midowga Africa AMISOM ee nabad ilaalinta ujooga dalka kuwaa oo dowlada Somaaliya kataageeraya ladagaalanka Alshabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*