Ciidamadda Meletariga Dowladda Kenya

Ciidamada Kenya oo Ku Fashilma Dagaalka Shabaab Marka Aysan La Socon Ciidanka…..

Ciidamadda Kenya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika AMISOM ayaa la sheegay in ay ku fashilmaan  Dagaalka al-shabaab marka aysan la socon Ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed.

Nabadoon C/salaam Maxamed oo kamid ah waxgaradka Soomaaliyeed oo lasoo xiriiray idaacadda Simba ee magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in Kenya aysan dagaal u joogin gudaha Soomaaliyeed,balse ay guranayso kheyraadka dalka.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Ciidamadda Dowladda Soomaaliya marka aysan la soconin aysan dagaal la gelin Dagaalyahanada Xarakadda Al-shaabab.

Dhanka kale nabadoonka ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay iska difaacdo duulaanka Kenya,kadib markii mudooyinkii dambe ay qaaday talaabooyin xiriirka labadda dal.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.