Wararka

Al-Shabaab oo Weerar Qorshaynaa Ku Dhaawacay Saabit, Wiilkiisana Ku Dilay

Wararka ka imaanaya Magaaladda Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hir-shabeelle ayaa ku waramaya in dagaalyahano ka tirsan Shabaab ay weerar ku qaadeen Guriga Sheekh Saabit oo ku yaalla Xaafadda Buulo-sheekh ee magaaladaas. Weerarkaan ayaa waxaa lagu dhaawacay Shiikh Saabid oo la sheegay in uu xusayay Siyaarada Sheekh Ooyaaye aya muddooyinkii dambe si aan joogto ahayn uga dhici jirtay Magaalada Jowhar. Sidoo ...

Read More »

Raisuwasaare Xasan Cali Kheyre oo Magacaabay Wasiir Cusub

Raisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Magacaabay Xilka Wasiirka Howlaha Guud iyo dib u dhiska dalka. Xilkaan waxaa shalay iska casilay C/fitaax Geeseey,kadib markii Dowladda uu ku eedeeyay in ay weerar ku qaaday Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Wareegto kasoo baxday Xafiiska Kheyre ayaa loogu magacabay Wasiirka Howlaha Guud iyo dib u dhiska dalka Mudane Cabdi Aadan Hoosow. “ ...

Read More »

Maxaa Ka jira in Laga Tanasulay Mooshinkii Madaxweyne Farmaajo+Dhageyso

Xildhibaan ka Tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa beeniyay in laga Tanasulay Mooshinkii laga keenay Madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo). Xildhibaan C/xakiin Macalin Axmed oo kamid ah Xildhibaanadda Mooshinka ka keenay Madaxweynaha ayaa sheegay In xal iyo Tanaasul uusan jirin,islamarkaana Kulamada Baarlamaanka Soomaaliya marka dib loo furo looga doodi doono mooshinka. Sidoo kale waxa uu sheegay in kulankii shalay u dhaxeeyay ...

Read More »

Madaxweynaha Somali-land oo Xisbiyada Mucaradka oo Qodobo Ku Heshiiyay+Sawirro

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, oo uu wehelinaayo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa caawa kulan muhiima la qaatay hoggaanka axsaabta qaranka, madaxweyne ku xigeenadii hore, siyaasiyiin iyo madaxda ururrada bulshada rayidka ah. kulankan uu madaxweynuhu isugu yeedhay axsaabta qaranka, madaxweyne ku xigeenadii hore iyo ururrada Bulshada rayidka ah, ayaa ujeedadiisu ahayd sidii wada-jir iyo ...

Read More »

Ciidamo Saakay Xiray Wadooyin Muqdisho Muqdisho+Sawirro

Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saakay xiray qaar kamid ah Wadooyinka Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya. Wadooyinka ay Ciidamadda ay xireen ayaa kala ah Isgoyska Tarabuunka, Isgoyska Banaadir iyo Taleex degmadda Hodan ee Gobolka Banaadir. Sida ay inoo xaqiijiyeen dad soo maray wadooyinkaas, ciidamo aad u fara badan ayaa wadooyinka la dhigay waxayna si aad ah u baarayaan Gaadiidka Dadweynaha. Ilaa ...

Read More »

Dowladda Soomaaliya oo Sheegtay in Howlgal Lagu Dilay 25 Ka Tirsanaa Al-shabaab

Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Mareykanka ayaa waxa ay howlgal ka fuliyeen nawaaxiga deegaanka Gandershe ee Gobolka Shabeelaha Hoose. Qoraal kasoo baxay taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in howlgalka oo dhacay 16-kii bishaan lagu dilay 25 ka tirsanaa dagaalyahadda Xarakadda Al-shabaab,kuwaasi oo isku diyaarinayay weeraro lagu qaado saldhigyadda Ciidamda Dowladda Somaaliya iyo Ciidamadda AMISOM. “Dawladda Federaalka ...

Read More »

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo Ku Dhawaaqday Xukunka Muqtaar Mahad Daa’uud

Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa maanta dhageysatay dacwada loo heysto eedeysane Muqtaar Mahad Daa’uud,kaasi oo dhowaan lagu soo eedeeyay inuu ku kacay arrimo la xiriira ku tagrifal Hantida Qaranka. Ugu horeyn, Maxkamadda ayaa dhageysatay eedda ay soo diyaariyaan xafiiska xeer ilaalinta, waxaana eedda uga wakiil ahaa jeedinteeda ku-xigeenka koowaad ee xeer ilaaliya Guud ee Qaranka Dr. Jamaal Maxamed Axmed. Wuxuuna weydiistay ...

Read More »

Is Afgarad Lagu Gaaray Kulankii ay Yeesheen Mursal iyo Ku-xigeenadiisa

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh iyo labadiisa  Kuxigeen ayaa maanta kulan waqti badan qaatay waxa ay ku yeesheen Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya. Kulanka ayaa looga hadlayay sidii loo xalin lahaa khilaafka ka dhax jira gudoonka golaha shacabka loona ambo qaadihii shaqada Baarlamaanka. Sidoo kale waxaa kulanka looga hadlayay mooshinka Madaxweynaha iyo xiisada Koonfur Galbeed. C/rashiid Maxamed ...

Read More »

War Deg Deg:-Wasiirka Howlaha Guud ee Xukuumadda Soomaaliya oo Iscasilay

C/fataax Ibraahim Geesey oo ahaa Wasiirkii Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta  ku dhawaaqay In uu iska casilay Xilkii Wasiirnimo uu ka hayay Xukuumadda Raisulwasaare Xasan Cali kheyre. Isagoo warbaahinta kula hadlayay Muqdisho ayuu sheegay inuu xilkiisa iska casilay, isagoo xusay in aanay jirin meel dowladda Federaalka ay go’aan kaga soo saartay arrinta Koonfur Galbeed in la farageliyo. ...

Read More »