Wararka

Faah-faahin:-40-ruux oo Ku Dhimatay Dagaal Ka Dhacay Magaaladda Laascaanood

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhaxeeyay labo Maleeshiyo beeleed oo shalay ka dhacay deegaanka Dhummay oo dhacda koonfurta Magaaladda Laascaanood ee Gobolka Sool. Dagaalka oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac ayaa bilowday shalay galinkii dambe wuxuuna soo gaaray ilaa maqribkii xalay. Inta la xaqiijiyay 40 ruux ayaa dagaalkaasi ku dhintay tiro intaasi ka badana waa ay ku ...

Read More »

Akhriso:-Sacuudiga oo Qiray in Sirdoonkiisa Dilay Wariye Jamaal Khaashoqji

Sucuudiga ayaa dilka weriye Jamaal Khaashoqji ku eedeeyey [kuwo] fuliyey “hawlgal qaldan oo aanay amar u haysan” , hadalkaas oo ah mid dhan kale ka eegaya dhacdo dunida oo dhami ka qaylisay. Wasiirka arimaha dibada, Caadil Al-Jubayr, ayaa u sheegay telefishanka Fox News in “dilku” ahaa “khalad weyn” waxaanu beeniyey in dhaxal sugaha taajka boqortooyada ee awoodda badani amray. Khaashoqji ...

Read More »

Madaxweynaha Suudaan oo Warqadaha Aqoonsiga ka Guddoomay Safiirka Soomaaliya

Madaxweynaha Dalka Suudaan Mudane Cumar Xasan Al-bashiir ayaa maanta oo Isniin Warqadaha Aqoonsiga Danjirnimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhiya Suudaan Mudane Cabdi Risaaq Axmed Shoole. Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibeda ee Dalka Suudaan Usama Feysal ayaa sheegay in Madaxweyne Al Bashiir uu adkeeyay rabitaanka Suudaan ee iskaashi dhex mara Dowladaha Soomaaliya iyo Dalkiisa oo dhan walba ah, ...

Read More »

War Deg Deg:-Xarqaanle oo Lagu Dilay Magaaladda Muqdisho

Kooxo Hubeysnaa ayaa goordhaweyd Magaaladda Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxa ay ku dileen Wiil dhalinyaro ahaa. Sida ay inoo xaqiijiyeen goob-joogayaal rag ku hubeysnaa bastooladdo ayaa gudaha u galay Dukaan dharka lagu tolo oo ku yaala Degmadda Xamar weyne ee Gobolka Banaadir. Kooxda hubeysaneed ayaa toogatay wiil dhalinyaro ahaa oo kamid ahaa dadka ka shaqeeya xaruntaasi, iyadoo markaas kadib ay ...

Read More »

Wasiir Amniga oo Ka Hadlay Arin Ka Dhacday Magaaladda Muqdisho

Wasiirka Amniga gudaha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Ducaale Islow ayaa ka hadlay shaqaaqad dhawaan ka dhacday degmada Wadajir gaar ahaan aagga Jid-cakaaro. Ciidamadda Booliska Dowladda Soomaaliya oo xaafadaas howlgal ka sameynayay ayaa weerar kala kulmay rag hubeysan oo kamid ah dadka degan halkaasi,kuwaasi oo kasoo horjeeday burburin ay Ciidamadda wadeen. Intuu dagaalka socday ayay Ciidamdda booliska waxa ay dileen nin ...

Read More »

Akhriso:-Al-shabaab oo Xukun Ku Fuliyay Mahdi Maxamed Calasoow

Maamulka Al-Shabaab ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa xukun karbaashay ahaa ku fuliyay Wiil dhalinyaro ah oo ay ku eedeeyeen in uu ku kacay fal Zino Ah ama (Kufsi). Mahdi Maxamed Calasoow Maxamuud oo 17 sana jir ah ayaa lagu dhuftay 100 Jeydal kadib markii uu Kufsaday gabar lagu magacaabo Maryan Abuukar Axmed Mantaan oo 16 sana jir ah. Gudoomiyaha Maxkamada ...

Read More »

Wasiirka Waxbarashadda oo Muqdisho Kula Kulmay Xubno Ka Socda Creative Associate+Sawirro

Wasiirka waxbarashada xukuumadda Soomaaliya  Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre ayaa maanta xafiiskiisa magaalada Muqdisho ku qaabilay xubno ka socda  (creative Associate  International) oo door muhiim ah ka qaadata horumarinta waxbarashada iyo hal abuurka. Kulanka ayaa looga hadlay siddii xubnahan ka socda creative Associate  International, ay wasaaradda waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya uga caawin lahayeen horumarinta waxbarashada dalka. Xubnaha ka socda creative Associate  ...

Read More »