Wararka

Ciidamadda AMISOM oo Qarax Loogu Gubay Mid Kamid ah Gaadiidkooda

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax Ciidamo ka Tirsan Kuwa Midowga Afrika AMISOM Lagula Eegtay Deegaan ka Tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe ee Hir-shabeelle. Qaraxaan ayaa ka dhacay deegaanka Buurane oo dhaca duleedka degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeelaha dhexe. Sida ay sheegeen dadka deegaanka qaraxa ayaa burburiyay mid kamid ah gaadiidka Ciidamadda AMISOM,waxaana la sheegay in qaraxa kadib ay fureen ...

Read More »

Ogow Sababta Shaqada Looga Joojiyay Axmed Maxamed Xasan (Geedow)

Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Banaadir ee dhinaca Maaliyada ahna kusimaha guddoomiyaha gobolka Banaadir Xuseen Maxamed Nuur oo qoraal kasoo saaray xafiiskiisa ayaa shaqada ka joojiyay Gudoomiyaha Degmadda Yaaqshid Axmed Maxamed Xasan (Geedow), oo dalka dibadiisa ku maqan. Sababta shaqo joojinta ayaa lagu sheegay in Gudoomiyaha uu ku kacay Musuq maasuq iyo wax isdaba marin,islamarkaana mudooyinkii dambe uu baaritaano lagu hayay. Sidoo ...

Read More »

Xaqiijin: Kumuu Ahaa Sheekh Maxamad Cabdi Oo Lagu Dilay Magaalada Muqdisho (Sawirro)

Kooxo hubeysnaa ayaa Saakay Magaaladda Muqdisho waxa ay ku dileen Xubin katirsanaa Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Federaalka  Soomaaliya. Dilkaan ayaa ka dhacay  Xaafada Haanta-dheer  degmada  Dayniile ee Magaalada Muqdisho, waxaana fuliyay kooxo bastooladdo ku hubeysnaa, oo markii dambe goobtaasi iska kaga baxsaday. Sheekh Nuur Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Xukuumada Soomaaliya ayaa xaqiijiyay dilka Marxuumka, isagoo tacsi ...

Read More »

Macalin Maxamad Oongooye oo Saakay Lagu Dilay Magaaladda Muqdisho

Kooxo hubeysnaa ayaa Saakay Magaaladda Muqdisho waxa ay ku dileen Mid kamid ahaa Macalimiinta Jaamacadaha dalka. Dilkaan ayaa ka dhacay  Xaafada Haanta-dheer ee degmada deeyniile ee Gobolkan Banaadir ,waxaana fuliyay kooxo bastooladdo ku hubeysnaa. Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal ragga hubeysnaa ayaa macalinka ka toogtay qeybaha sare xili uu ku sugnaa gurigiisa hortiisa,waxayna ka baxsadeen goobta. Macalinka la dilay ayaa ...

Read More »

Tirada Dadka Soomaaliyeed ee Sanadkaan Soo Xajinaya oo La Kordhiyay+Sawirro

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Soomaaliya Xildhibaan, Sheekh Nuur Maxamed Xassan ayaa dalka sacuudiga waxaa uga bilowday booqasho rasmi ah oo uu maalmo kujoogi doono halkaasi. Wasiirka iyo wafdigiisa waxaa sidiirran u qaabilay Wasiirka Xajka iyo Cumrada Sacuudiga Dr. Maxamed Salalax Bin Dahir Bintin, iyo Wasiirka ku xigeenka Wasaaradda Xajka & Cumtrada Dr. Cabdilfataax Mashaad, Masuuliyiintan ayaa yeeyashay kulan ...

Read More »

Xildhiban Sheegay Sabab Looga Adkaan La’ Yahay Shabab-ka Qaraxyada Ka Fuliya Muqdisho

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah Xildhibaanadda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay qaraxyadda mudooyinkii dambe kusoo batay Muqdisho oo ay geysanayaan Al-shabaab. Jeesow oo la hadlay idaacadda Simba ayaa sheegay in Shabaab ay dadka ku dhex dhuuntaan,islamarkaana Ciidamadda amaanka Dowladda Soomaaliya aysan ogaan karin cida Shabaabka ah iyo cida aan aheyn. Sidoo kale waxa uu sheegay in kontoroolka ...

Read More »

War DEG DEG:-Maxkamadda CQS oo Toogatay C/qaadir Abuukar

Taariikhdu Markay ahayd 30/11/2017, Maxkamada Dar’1aad Ciidamada Qalabka Sida waxay markii saddexaad u fariisatay Dacwad Ciqaabeedkii loo haystay C/qaadir Abuukar Shaacir Max’ed 41 jir ah ina Shoobto Shaacir ku dhashay Xamar, kaasoo Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka sida ku soo eedeeyey in uu ka tirsanaa Al-shabaab, una qaabilsanaa Qeybta Qaraxyada, isagoo sahmin jiray goobaha ay  rabaan in ay ka fuliyaan ...

Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Amiir Talaal Bin C/casiis

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Abdullahi Farmaajo ayaa tacsi u direy  Boqorka Dowladda aan walaalaha nahay ee Sacuudiga Boqor Salman bin Abdulaziz Al Saud, isagoo uga tacsiyadeeyey geeridii ku timid Amiir Talaal Bin C/casiis oo 87-jir ahaa. Wakaalladda Wararka Sacuudiga ee SPA ayaa baahisay inuu geeriyooday Amiir Talaal Bin C/casiis oo ahaa Aabaha Maalqabeenka weyn ee Sacuudiga, Al-waliid Bin ...

Read More »