Wararka

Raisulwasaare Cumar C/rashiid oo Soo gaba-gabeyn doona Safarkiisa Magaalada Baydhabo

Raisulwasaaraha Soomaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali sharmarke ayaa Maanta la filayaa in uu soo gaba-gabeeyo safarkii uu Maalmihii dambe ku joogay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay. Cumar C/rashiid Cali sharmarke ayaa kulan la yeeshtay Ergooyinka ku sugan magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay isagoona kala Hadlay sidii loo xalin lahaa qilaafka soo kala dhaxgalay   Ergooyinkii soo xulay Xildhibaanada Baarlamanka Maamulka ...

Read More »

Maxkamad Maanta Lasoo Taagayo Wariye Jaamac Deperaano

Maxkamada Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal ayaa maanta lagu wadaa in lahor keeno wariye Jaamac Deperaani oo kamid ah wariyaasha ka Howlgala deeganada Maamulka Puntland. Qaar kamid ah wariyaasha deeganada Maamulka Puntland ayaa maanta xaadiri doona Maxkamada Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal si ay Goob joog kaga Noqdaan xukunka ay  Maxkamada ku ridi doonto wariye Jaamac Deperaani, Warar soo baxaya ...

Read More »

Askari ka Tirsanaa Ciidamada Puntland oo Nin Ganacsade ahaa ku dilay Suuqa Magaalada Garoowe

Ciidamada Booliska Maamulka Puntland ayaa gacanta kusoo dhigay askari dil Bareer ah u geystay nin ganacsade ahaa oo ku sugnaa Suuqa Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal, Askari iyo ganacsadaha ayaa la sheegay in Muran uu soo kala dhaxgalay Taasi oo keentay in askariga uu Rasaas ku Furo ninkii ganacsada ahaa ee ku sugnaa Goobtiisa ganacsi ee ku Taalay Magaalada Garoowe ee ...

Read More »

Howlgalo Saakay ka Socda Deegaaano Hoos Yimaada Degmada Xudur

Ciidamada dowlada Soomaliya iyo kuwa Midowga Africa ee Amisom ayaa saakay Howlgalo baaritaano ah  ka wada Tuulooyin Hoos Yimaada degmada xudur ee Gobolka Bakool. Saraakiil ka Tirsan Ciidamada dowlada soomaliya oo ku sugan degmada Xudur oo la Hadlay radio simba ee Magaalada Muqdisho ayaa xaqiijiyay in Howlgalada loogu Talagalay xaqiijinta Amaanka deeganada iyo Tuulooyinka Hoos Yimaada degmada xudur ee Gobolka ...

Read More »

Suxufiyiinta ka Howlgala Deeganada Maamulka Puntland oo Cambaareeyay Xariga Wariye Jaamac Deperani+ Sawiro

Qaar kamid ah Suxufiyiinta  ka Howlgala deeganada Maamulka Puntland ayaa Maanta meelo Fagaaro ah isugu Yimid iyagoona cambaareeyay Xariga loo geystay wariye Jaamac Deperani oo kamid ah wariyaasha ka Howlga deeganada Maamulka Puntland oo maalintii labaad ku xiran saldhiga Magaalada Garoowe. Wariyaasha ayaa intooda badan watay warqado ay ku qornaayeen Ereyo muujinaya in si sharci daro ah uu ku xiran Yahay ...

Read More »

Madaxweynaha Soomaliya iyo Wafdi uu Hogaaminaayo oo dalka Dib ugu Soo Laabtay + Sawiro

Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan sheikh Maxamuud iyo wafdi uu Hogaaminaayo ayaa Galinkii dambe ee Maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib Markii ay dhawaan ka qeyb  Galeen shirkii loogu Hadlaayay ganacsiga oo ka dhacay Magaalada Dubia ee dalka Isu-taga imaaraadka Carabta. Wafdiga Madaxweynaha soomaliya waxaa Garoonka diyaarahada Magaalada Muqdisho ee aadan cadde kusoo dhaweeyay xubno dowlada soomaliya Tirsan sida Gudoomiyaha ...

Read More »

Raisulwasaare Cumar C/rashiid oo Tababar Usoo Xiray Ciidamo ka Tirsan kuwa Daraawishta Maamulka Koonfur Galbeed

Rasiulwasaaraha soomaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali sharmarke oo ku sugan magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa maanta Tababar ciidan usoo xiray ciidamo ka Tirsan kuwa daraawishta Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya oo mudooyinkii dambe Tababar u socday. Xaflada soo xirista Tababarka waxaa ka qeyb Galay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya shariif Xasan sheikh aadan iyo xubno ka Tirsan Maamulka Konfur ...

Read More »

Madaxweynaha France oo ka Hadlay Weerarkii Maanta ka Dhacay Magaalada Bamako ee dalka Mali.

Madaxweynaha Wadanka France Francois Hollande ayaa sheegay in dowlada France ay Garab taagan Tahay dowlada wadanka Mali Kadib weeraro maanta ka dhacay Magaalada Bamako ee dalka Mali. Madaxweyne Francois Hollande oo la Hadlaayay Tv-ga qaranka dowlada France ayaa sheegay in dowlada France iyo shacabkeedaba ay Garab taagan Yihiin shacabka Dalka Mali kadib weerarkii maanta Lagu qaaday Mid kamid ah Hoteelada ...

Read More »