Wararka

Dhageyso:-Baadigoobka Kooxo Dil iyo Dhaawac Ka Geystay Magaalada Gaalkacyo oo Kasocda Magaaladaasi.

Xilli Xalay Kooxo hubeysan ay koonfurta Magaalada Gaalkacyo ay dil iyo dhaawac ugu geysteen Dad rayida ayaa maanta waxaa ciidamada Ammaanka ee maamulka galmudug ay kawadaan Magaaladaasi howlgal ay ku raadinayaan kooxihii falkaasi geystay. Dadka la dilay ayaa ahaa dad rayida oo ka mid ahaa dadka ku nool Gaalkacyo,waxaana kooxahaasi ay dileen hal ruux oo lasheegay inuu ka yimid magaalada ...

Read More »

Dhageyso:-Gudiga Arimaha Dibadda Baarlamaanka Soomaaliya oo beeniyey hadal kasoo baxay Monitering Group.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mida Xildhibanada Baarlamaanka Soomaliya Sidoo kalena ah Gudoomiye Ku xigeenka Gudiga arimaha Dibadda Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Markii ugu horeysay Ka hadlay arinta ku aaddan Warbixin ay soo sartay Kooxda Monitering Group oo ay ku sheegtay in xiliggan guud ahanba hay’adaha kala duwan ee Dowladda Soomaaliya uu hareeyey Musuqmaasuq iyo wax isdaba marin. Proff.Dalxa oo ...

Read More »

Maamulka Galmudug oo ku dhawaaqay Howlgal ka dhan ah Xarakada Al-shabaab.

Iyadoo Shalay Golaha Wasiirada ee Maamulka galmudug state ay kulan aan caadi ahayn ay ku yeesheen xarunta Madaxtooyada KMG ee Maamulkaasi ayaa Waxaa kulankaasi diiradda lagu saaray arimo la xiriira xoojinta ammaanka deegaanada Maamulka Galmudug. Golaha Wasiirada Maamulka Galmudug ayaa Kulankooda kusoo hadalqaaday dagaalada deegaanadii ugu dambeeyey ee ay la wareegeen ciidamada Maamulkaasi iyo sidii deeganaada ka maqan gacanta Maamulka ...

Read More »

Dhageyso:- Beelo dhawaan dagaalamay oo ku heshiiyey Gobolka Hiiraan.

Wararka Ka Imaanaya Magaalada Baladweyn ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa kusoo Waramaya in Magaaladaasi galinkii Dambe Shalay ay heshiis nabadeed ku gaareen Beelo dhawaan dagaal uu ku dhaxmaray Magaaladaasi. Heshiisk ayaa waxaa saxiixay Odayaal,Cuqaal,Waxgarad iyo Waliba aqoonyahanno ka kala socda Beelaha dirirtu dhaxmartay waxaa waxyaabaha lagu heshiiyey k mida:- in laga ilaaliyo deegaanadaasi inuu mar dambe kusoo laabto dagaallo beeleedyada,in ...

Read More »

Dhageyso:- Ciidamada AMISOM oo Ka baxya Xarunta Jaamacadda Ummadda.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh.Maxamuud oo Shalay Ka hadlayey Xarunt Jaamacadda Ummadda ee Magaalada Muqdisho ayaa Waxaa uu ka hadlay arimo la xiriira hormarinta Jaamacadda iyo waliba dhismayaal iyo dib u habayn lagu sameyndoono Xarumaha Jaamacaddu ay ku leedahay Magaalada Muqdisho. Xasan sheekh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay in hadda Ciidamada AMISOM laga saarayo xarunta Jaamacadda ee Gahayr ...

Read More »

Golaha Wasiirada oo magacaabay Guddiga Gurmadka Fatahaadda iyo Roobabka “Akhriso+Sawirro”

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulankoodii joogtada ahaa, waxaana shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna ku simaha R/wasaaraha Mudane Maxamed Cumar Carteh, iyadoo kulankan looga hadlayay qodobo ay ka mid ahaayeen Xeer Nidaamiyaha Maamulka lacagta ee Ciidanka Xoogga dalka, warbixin la xiriirta Fatahaadaha iyo roobabka “EL ÑINO”. Ugu horeynta golaha ayaa waxa ay ka ...

Read More »

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaliyeed iyo Wafdi uu Hogaaminayo oo Gaaray Magaalada Kismaayo + Sawiro

Wararka naga soo Gaaraya Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in Halkaa uu Goor dhaweyd uu Gaaray Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed  Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo uu wehliyo taliye ku-xigeenka ciidanka Jeneraal Bashiir Cabdi Maxamed iyo saraakiil kale Waxaa Garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada-Hoose ku soo dhaweeyay saraakiil ka Tirsan ciidamada Maamulka Juba-land iyo ...

Read More »

Xildhibaanno Baarlamaanka Ka Tirsan oo Qalab Caafimaad Ku Wareejiyey Isbitaalka Kismaayo.

Xarunta gobolka Jubada hoose ee Kismaayo Maanta Waxaa tagay Xildhibaanno Ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya kuwaa oo ka kala yimid Magaalooyinka Muqdisho iyo Nairoobi Waxaana ay halkaa u tageen sida ay sheegeen u kuur galidda Xaaladda Nololeed ee ka jirta deegaanada Gobolada Jubbooyinka. Xildhibaanada ayaa ugu horeyn Maamnta waxaa ay booqdeen Xarunta uu ku shaqeeyo isbitaalka Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka ...

Read More »

Kulan looga Hadlay qeybsiga qeyraadka dalka oo muqdisho ka dhacay.

Kulan Maanta dhaxmaray Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya iyo qaar ka mida Maamulgoboleedyada Dalka ayaa ahaa mid looga hadlaayo qaabka dowladda iyo Maamul goboleedyada Dalka ka jira ee hoostaga Dowladda Soomaaliya ay u kala qeybsan lahaayeen Qeyraadka Dalka. Wasiirka Macdanta iyo Badroolka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Muqtaar Ibraahim oo ka hadlay Muhiimadda Kulanka Maanta ayaa sheegay in sababta qabashada kulanka ka ...

Read More »