Wararka

Wadanka Shiinaha oo Beesha Caalamka ka Codsaday ka Qeyb Qaadashada dib u Dhiska Soomaliya

Safiirka wadanka shiinaha u fadhiya qaramada  Midoobe ayaa beesha caalamka ka codsaday in wadanka soomaliya laga Taageero xasiloonida iyo dhib u dhiska Liu Jieyi oo qudbad dhinacyo badan Taabanaysa ka jediyay shirkii Golaha amaanka ee qaramada Midoobe ee ka dhacay Magaalada New York ee wadanka Marekanka ayaa sheegay in beesha caalamka loogu baahan yahay ka qeyb qaadashada dib u dhiska ...

Read More »

Raisulsawaare Cumar C/rashiid oo ka Codsaday Qaramada Midoobe ka Qeyb Qaadashada Nabad Soo Celinta Yemen.

Raisulwasaaraha dowlada Soomaliya Cumar C/rashiid cali sharmarke oo ka qeyb galay shirkii Golaha amaanka ee qaramada Midoobe oo lagu qabtay dalka Marekanka ayaa beesha caalamka ka codsaday in laga qeyb qaato sidii  Nabadii iyo xasiloonidii dib loogu soo celin lahaa wadanka Yemen. Cumar C/rashiid oo qudbad ka jeediyay shirka Golaha amaanka ee qaramada Midoobe ayaa sheegay in hadii la xaliyo ...

Read More »

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaliyeed oo la Kulmay Dhigiisa dalka Sudan

Maxamed sheikh xaamud Taliyaha ciidamada Booliska soomaliyeed iyo wafdi uu Hogaaminaayo oo ku sugan Magaalada Khartoum ee wadanka suudan ayaa kormeero ku Tagay xuramaha Booliska dalka suudan isagoona dhigiisa dalka suudan ugu sheekeeyay xaalada Booliska soomaliyeed. Jeneraal Maxamed sheikh xaamud Taliyaha ciidamada Booliska soomaliyeed  ayaa sidoo kale kormeero ku Tagay xarumaha ciidamada Booliska dalka sida Xarunta Dambi Baarista Dalka Suudaan, ...

Read More »

Ku-simaha R. Wasaaraha oo qaabilay wafdi ka socday dowladda Sweden “Sawirro”

Muqdisho, November 9, 2015—–Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ahna ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa maanta xafiiska ku qaabilay wafdi ka socday Dawladda Sweden oo ay hoggaaminaysay Wasiirka Iskaashiga Caalamiga ah ee dalka Sweden Isabella Lovin, Safiirka Dowladda Sweden ee Soomaaliya, saraakiil sare sare oo ka socotay G7+ oo ah madal ay ku mideysan yihiin dalalka deeq-bixiyeyaasha Barnaamijka Hiigsiga cusub, ...

Read More »

Xeer Ilaaliyaha Qaranka oo Amray in la Xiro 35- Website+ Akhriso

Warsaxaafadeed kasoo baxay Xafiiska xeer ilaaliyaha Guud ee qaranka axmed cali Daahir ayaa Lagu amray in si deg deg ah loo xiro 35- website oo uu sheegay Xafiiska xeer ilaaliyaha Guud qaranka  in ay faafiyaan warar aan jirin. Website-yada uu sheegay Xafiiska  xeer ilaaliyaha qaranka waxaa kamid ah kuwa laga leeyahay dalka dibadiisa iyo kuwa inta badan  qora waxyaabaha dowlada soomaliya ...

Read More »

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Djibouti oo ka wadahadley iskaashiga amniga gobolka, iyo xoojinta xiriirka labada dal

Muqdisho, 9 November 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jamhuriyadda Djibouti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta madaxtooyada ee magaalada Djibouti. Labada hoggaamiye ayaa ka wadahadley xoojinta iskaashiga iyo xiriirka labada dal, dardar-gelinta dagaalka looga soo horjeedo argagixisada, xaaladda amniga ee Soomaaliya iyo kan gobolka intaba. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ...

Read More »

Gudoonka Baarlamanka Soomaliya oo Hambalyo u Direy Gudoomiyaha Cusub ee Baarlamanka Maamulka Puntland

Gudonka Baarlamanka soomaliya ayaa Hambalyo u direy Gudoomiyaha cusub ee Baarlamanka Maamulka Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi kadib doorasho Maanta ka dhacday Magaalada Garoowe ee caasimada Maamulka Puntland. Jeylaani Nuur iikar Gudoomiye ku-xigeenka Kowaad ee Baarlamanka soomaliya oo warbaahinta kula Hadlay xarunta Golaha shacabka soomaliya ayaa sheegay in gudoonka sare Baarlamanka soomaliya uu Hambalyo u diraayo Gudoomiyaha cusub ee Baarlamanka ...

Read More »

Dhooba-daareed:  Waxaan Tartan La Galay Nin Dowlada Taageero u aheyd

Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhooba-daareed) oo maanta loogu adkaaday Doorashada xilka Gudoomiyaha Baarlamanka Puntland ayaa saxaafada u sheegay in uu  tartankan la Galay nin markii Hore Maamulka uu doonayay in uu ku guuleysto doorashada Gudoomiyaha Baarlamanka Puntland, Axmed Cali Xaashi ayaa maanta loo doortay Gudoomiyaha Baarlamanka Puntland kadib markii uu helay codod gaaraya 41 Cod Guddiga doorashada ayaa ku dhawaaqay in ...

Read More »