Wararka

RW Soomaaliya” Mr Key Wuxuu isku Xiray Dowladda iyo Caalamka”

RW Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo ka hadlay Xaflad Sagootin ahayd oo loo sameenayey Wakiilkii hore ee QM u qaabilsanaa Soomaaliya Nicolas Key ayaa Waxaa uu sheegay in Mr Key uu ahaa Shaqsi Muhiim ah oo wax badan lasoo qabtay Ummadda Soomaaliyeed Siduu yiri. Cumar C/rashiid ayaa intaasi ku daray in Wakiilkii QM u qaabilsanaa Soomaaliya uu yahay ruux ...

Read More »

Ciidamada Maamulka Juba-land iyo kuwa Kenya oo la Wareegay deegaano Hoos Yimaada Gobolka Juba-da Hoose

Wararka ka imaanaya Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in Ciidanka Maamulka Jubbaland oo gacan ka helaya ciidamada  Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee amisom, ay  maanta la wareegeen deegaanada Beerxaani, Cabdi Dhoore iyo Qudus oo dhamaatooda hoos yimaada  Gobolka Jubbada Hoose. Deegaanada ay ciidamada Maamulka Juba-land iyo kuwa Kenya ay la wareegaan Maanta ee Beerxaani, Cabdi Dhoore iyo Qudus waxay qiyaas ...

Read More »

Madaxweynaha Soomaliya Xasan sheikh Maxamuud oo kusoo laabtay Magaalada Muqdisho

Madaxweynaha Soomaliya Mudane xasan sheikh Maxamuud iyo wafdi uu Hogaaminaayo oo baryihii  aynu soo dhaafnay ku sugnaa Magaalada beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa galinkii dambe ee Maanta kusoo laabtay Magaalada Muqdisho, Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud oo ay socdaalkiisa ku wehliyaan Wasiiro iyo Xildhibaanno  ka Tirsan Baarlamanka soomaliya  ayaa Magaalada Beledweyne kula soo kulmay odayaasha, iyo waxgaradka, iyo siyaasiyiinya iyagoona kala ...

Read More »

Sawiro: Abbandulaha Ciidamadda Talyaaniga oo Muqdisho kula Kulmay Raisulwasaaraha iyo Wasiirka Gaashaandhigga

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo weheliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya taliyeyaasha Ciidamadda Cirka iyo Badda, ayaa maanta Muqdisho ku qaabilay Abbandulaha Guud ee Ciidamadda Gaashaandhigga Talyaaniga Sareeye Guud Claudio Graziano oo booqasho hal cisho ah ku yimid magaalada Muqdisho. Abbandulaha Guud ee Ciidamadda Gaashaandhigga Talyaaniga Sareeye Guud Claudio Graziano oo markii Hore kulan la qaatay Raisulwasaraha soomaliya Cumar C/rashiid Cali ...

Read More »

Dhageyso: Heshiis laga gaaray Qilaafkii ka Taagnaa Shirka Maamul u Sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe

Wararka ka imaanaya Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa ku waramaya in heshiis rasmi ah ugu dambeyn laga gaaray shirkii Maamul u sameynta Hiiraan iyo shabeelaha dhexe. Kulan aya wada qaateen siyaasiyiinta Magaalada Beledweyne iyo wasiirka arimaha Gudaha xukuumadda soomaliya Mudane c/raxmaan Maxamed xuseen odawaa ayaa  ugu dambeyn waxaa lagu heshiiyay in shirka uu dhawaan furmo. Sidoo kale wasiirka arimaha ...

Read More »

Ciidanka Yugaandha oo Muddo bilooyin ah aan Helin Wax Mushaar ah.

Dowlada yugaandha ayaa sheegtay in aysan helin wax mushaarad ah ciidankeeda ka mid ka ah howl-galka balaaran ee Amisom. Muddo dhan 7 bilood ayaa ciidanka Amisom ee yugaandha aysan qaadan lacagaha mushaaradka ah iyadoo ay ugu dambeeysay mushaar la siiyo ciidankaasi bishii June ee sanadkaan. Wasiirka gaashaan-dhiga dowlada yugaandha Gen Jeje Odongo ayaa maanta oo arbaca ah bahda wararka tabisa ...

Read More »

Dibadbax Haatan ka Socda gudaha Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan

Wararka ka imaanaya Magaalada Beledweyne  ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Gudaha magaaladaas uu haatan ka socda Dibadbax  loogu soo horjeedo in shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo shabeelaha dhexe lagu qabto Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, Dibadbaxa waxaa ka qeyb galaya dadka ku Nool Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan iyagoona wata boorar ay ku qoran yihiin Hal ku ...

Read More »