Wararka

Shirka loogu Hadlaayo Siyaasada Soomaliya oo Maanta ka Furmaya Magaalada Istanbul

Magaalada Istanbul ee dalka Turky-ga waxaa maanta ka furmaya shirka loogu hadlaayo waxyaabihii kasoo baxay shirkii madashada wada-tashiga qaran ee dhawaan lagu soo gaba-gabeeyay Magaalada Muqdisho ee caasimada. Shirka waxaa ka qeybgalaya Madaxweynaha soomaliya Xasan sheikh Maxamuud, Raisulwasaaraha soomaliya Cumar C/rashiid Cali sharmarke. Madaxweynayaasha Maamulka Juba-land, Galmudug iyo koonfur Galbeed soomaliya, Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas oo ...

Read More »

War Saxaafadeed si wadajir ah u soo saareen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ku- Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Jan Eliasson ayaa maanta soo gaarey magaalada Istanbul ee dalka Turkiga oo 23-ka bishan uu ka furmayo Madasha 6-aad ee Heerka Sare ee Soomaaliya iyo waddamada/hay’adaha iskaashiga la leh ee dhinaca dib u dhiska Soomaaliya (High Level Partnership Forum). Madasha HLPF ayaa waxaa martigelinaysa ...

Read More »

Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaliya oo Gaaray Magaalada Qaahira ee dalka Masar

Wafdi uu Hogaaminaayo Gudoomiyaha Baarlamaanka soomaliya Maxamed shiikh cusman Jawaari ayaa galinki dambe ee maanta gaaray Magaalada Qaahir ee dalka Masar oo dhawaan uu ka furmi doono Shirka Baarlamaanada Jaamacadda Carabta. Gudoomiyaha Baarlamanka  soomaliya Maxamed sheikh Cusmaan Jawaari oo warbaahinta kula Hadlay Garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in shirka ay kusoo bandhigi doonaan xaaladaha siyaasadeed ee soomaliya ka jira. ...

Read More »

Maxkamada Sare ee dalka oo ka Hadashay Qilaafka ka Dhaxeeya Ururka iskaashatooyinka Soomaaliyeed.

Maxkamada sare ee dalka ayaa maanta ka hadashay isqab-qabsiga ka taagaan hogaanka ururka iskaashatooyinka Soomaaliyeed. Maxkamada sare ee dalka xukmisay inuusan dalka ka jirin urur iskaashato Qaran kadib markii maxkamadda ay u fariistaay dacwad is qab qabsi ah u dhexeysay labo garab oo isku heystay Ururka iskaashatooyinka Soomaaliyeed, Kaaliyaha Maxkamda sare ee dalka Mahdi Xuseen Maxamuud ayaa ugu horeyn aqriyay ...

Read More »

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay dhacdadii garoonka Jomo Kenyatta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay aad uga xuntahay dhacdadii ka dhacday garoonka Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi, halkaas oo ay Transit ku ahaayeen wafdi uu hogaaminayay Ra¨´iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke oo ku wajahnaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga si ay uga qeyb galaan shirka heerka sare ee wadatashiga Istanbul, (HLPF). Inkasta oo wafdiga uu hogaaminayay Ra”iisul Wasaaraha, ...

Read More »

Hogaamiyaha ugu Weyn ee Mucaaradka Uganda oo Mar kale Xabsiga la Dhigay

Ciidamada booliska dalka Uganda  ayaa soo xiray mar kale hogaamiyaha mucaaradka Uganda Kizza Besigye xili ay ka soo qabteen xarunta xisbigiisa oo ku taalo magaalada kamoala ee xarunta yugandha. Taageerayaashiisa ayaa xalay guriga Kizza Besigye buux dhaafiyey , waxaana shalay Kizza Besigye  uu sheegay in uusan ku qancin doorashada madaxtinimo ee Uganda habka loo shaaciyey , isagoona dalbaday in lasameeyo baaritaano cusub oo ...

Read More »

Faah-Faahin ku Saabsan iska Hor imaadka Dhexmaray Ciidamada kawada Tirsan kuwa dowlada Soomaliya

Maamulka Galmudug iyo saraakiisha ciidamada xoogga dalka Soomaliyeed ee qeybta 21-aad ee bariga Gobolka Galgaduud ee bartamaha dhulka soomaliya ayaa ku howlan sidii xal buuxda loogu gaari lahaa  iska hor imaad dhexmaray ciidamada kawada Tirsan kuwa Malatariga dowlada soomaliya ee Gobolka Galgaduud. Iska hor imaadka ayaa yimid sida la sheegay kadib markii Ciidamada dowlada soomaliya ee ku sugan duleedka degmada ...

Read More »