Wararka

Kooxo Hubeysan oo degmada Dharkinley ku dilay Labo Askari oo ka Tirsanaa Ciidamada dowlada

Kooxo Hubeysan ayaa Habeenkii xalay ahaa  Gudaha degmada Dharkinley ee Gobolka Banaadir waxa ay ku dileen laba ka mid ahaa askarta Ciidamada Dowladda Somaliya. Dilka ayaa ka dhacay xaafadda Kuweyt, gaar ahaan agagaarka Masaajidka caanka ah ee Sheekh Cabdi Xafiid. Kooxda dilka Fulisay ayaa la sheegay in ay wateen qoryaha  daran-dooriga u dhaca iyagoona markii dambe goobta ka baxday sida ...

Read More »

Ciidamada Kenya oo dib ula Wareegay deeganka Ceel-Cadde ee Gobolka Gedo

Ciidamada  Kenya ee qeybta ka ah Howlgalka Midowga africa ee Amisom  iyo kuwa dowlada soomaliya ayaa dib ula wareegay deeganka Ceel-cadde ee Gobolka Gedo oo dhawaan ay la wareegeen ciidamada Xarakada al-shabaab, al-shabaab ayaa galinkii dambe ee shalay Faarujiyay deeganka iyagoona jihoooyin kala duwan ugu baxay deeganka Ceel-cadde. Oo  jimcihii ay la wareegeen kadib weerar qorshaysan ay ku qaadeen, deeganka ...

Read More »

R.W. kuxigeenka oo ka qeybgalay munaasibad lagu taageerayay Barnaamijka Aada dugsiyada+ sawiro

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa maanta ka qayb galay Munaasibad Balaadhan oo ka dhacday Daljirka Dahsoon, taas oo taageero loogu muujinayey horumarinta Barnaamijka Aada Dudgsiyada (Go to School). Ugu haroyntii Ra’iisul ku xigeenka Dalka ayaa ku guubaabiyey shacabka Soomaaliyeed iney u istaagan xoojinta iyo adkaynta Qorshaha Aada Dugsiyada oo ay ka faa’iidaysteen shan ...

Read More »

Hooyo iyo Wiilkeeda oo Maanta Lagu  Qisaasay deegaanka Mandheera ee Gobolka Saaxil –

Wararka ka imaanaya deeganada Maamulka Somali-land ayaa ku waramaya in Saddex ruux oo lagu eedeeyey in ay geysteen dilal,  in maanta lagu qisaasay deegaanka Mandheera ee gobolka Saaxil, Maxkamada deegaanka Mandheera ee gobolka Saaxil ee Maamulka Soomali-land ayaa dadkaan ku eedeysay in ay ka dambeeyeen dilal dad rayid ahaa oo ku Nolaa deeganka, Dadka Maanta xukunka dilka ah lagu fuliyay ...

Read More »

Shirweynihii Wadatashiga Qaran ee Kismaayo kasocdey oo Natiijo la’aan Ku soo dhamaaday

Shirweynihii Madasha Wadatashiga Qaran ee hannaanka geeddi-socodka doorashooyinka 2016-ka ayaa maanta kusoo gaba-gaboobay Magaalada Kismaayo  iyadoo aan wax natiijo ah oo rasmi ah laga gaarin qodobadii laga kala aragti duwanaa ee ku saabsanaa nooca doorasho ee dalka kaqabsoomi karta sannadkan 2016-ka. Ra’iisul-wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya Dr.Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay aqalka ay Madaxda Dawladda Federaalka ...

Read More »

Madaxweynaha ku-xigeenka Galmudug oo Maanta Furey kalfadhiga Labaad ee Baarlamanka Galmudug

Kalfadhiga labaad ee Baarlamanka Maamulka Galmudug ayaa maanta ka Furmay magaalada cadaado ee caasimada Kmg-ga dowlada Goboleedka Galmudug. Waxaa kalfadhiga Labaad ee xildhibaanada Baarlamanka Maamulka Galmudug Furey Madaxwayne ku-xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi, waxaana munaasabadda furitaanka ka qaybgalay guddoomiyaha Baarlamanka Galmudug Cali Gacal Casir labadiisa ku-xigeen iyo Xildhibaanada oo ka soo laabtay fasax laba bilood ah. Guddoomiyaha Baarlamanka Galmudug Cali ...

Read More »

Dhageyso:- Dibadbax Lagu Soo Dhaweynayo Xuska Afka Soomaliga oo Maanta ka dhacay Muqdisho

Dibadbax Xoogan ay kasoo qeyb galeen ardey Gobolka Banaadir iyo xubno dowlada soomaliya ka Tirsan ayaa Maanta ka dhacay taalada Daljirka dahsoon ee degmada Boondheere. Dibadbaxa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Soomaliya,  Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka iyo gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho, Wasiirka waxbarahada ee Xukuumadda Soomaaliya Marwo Khadra Bashiir Cali oo dibadbaxa hadal kooban ka ...

Read More »

Dhageyso:- Maamulka Gobolka Banaadir oo Sheegay in aan Muqdisho Lagu Arki Karin boorarka Ku qoran Afafka qalaad

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa sheegay in wixii maanta ka dambeeya In goobaha ganacsiga iyo  waxbarashada  aan lagu qori Karin afka qalaad, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale oo hadal kooban ka jeeidyay dibad bax Maanta lagu soo dhaweynayay munaasabada xuska afka soomaliya oo dhawaan la xusi doono ayaa sheegay in maamuka banaadir uu amar ...

Read More »