Wararka

Madaxweynaha oo ka tacsiyeeyay geerida ku timid Allaha u naxariistee Danjire Cabdullaahi Sacid Cusmaan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyskii, eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Marxuum Danjire Cabdullaahi Saciid Cusmaan oo ku geeriyooday dalka Mareykanka. “Inna Lillahi wa inaa Ileyhi Raajicuun. Allah u naxariisto Danjire Cabdullaahi Saciid Cusmaan. Waxaa uu ka mid ahaa tiirarka dhinaca sharciga iyo diblomaasiyadda ee Soomaaliya leedahay. ...

Read More »

Madaxweynaha oo dalka dib ugu soo laabtey, kadib markii uu ka soo qeybgaley baroor-diiq loo sameeyay ciidan Kenya+ Sawiro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta dib ugu soo laabtey magaalada Muqdisho, kadib markii uu magaalada Eldoret ee dalka Kenya kaga soo qeybgaley baroor-diiq qaran oo loo sameeyay askartii dhowaan degaanka Ceel Cadde ee gobolka Gedo looga dilay Kenya. Munaabadaasi oo sidoo kale ay ka soo qeybgaleen Madaxweyneyaasha Jamhuuriyadda Kenya, Uhuru Kenyatta, ...

Read More »

Golaha Wasiirada oo Ansixiyey Hanaanka doorasho ee sannadka 2016

Muqdisho, 28 January 2016…..Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulankoodii joogtada ahaa, waxaana kulankan shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid, iyada oo lagu ansixiyay qodobadii ka soo baxay Shirkii Hoggaamiyaasha ee Madasha Wadatashiga Qaran ee Hannaanka Doorasho sanadkan 2016. Hoos ka Daalaco qodobada Shirka ka soo baxay; Baaqii Muqdisho ee 16kii Disembar ...

Read More »

Dhageyso:- Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Puntland  oo Taageeray Go’aankii uu qaatay Madaxweyne Gaas

Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Puntland  C/xakiin Xaji Cabdilaahi Xaji Cumar  “Camey”  oo maanta kula Hadlay saxaafada Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal ayaa  ugu baaqay beesha caalamka in ay faraha kala baxdo siyaasada soomaliya, Mudane C/xakiin Xaji Cabdilaahi Xaji Cumar  “Camey”   waxa uu taageeray Go’aankii uu Madaxweynaha Maamulka Puntland dr C/wali Maxamed Cali Gaas uu ka qaatay nooca doorasho ee soomaliya ka ...

Read More »

Ciidanka Kenya oo isaga baxay Deegaanno ka tirsan Jubbooyinka.

Wararka nagasoo gaaraya deegaanno ka tirsan Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in Ciidank Kenya ay maanta isaga baxeen deegaanno ka tirsan Gobolka Jubada Hoose gaar ahaan deegaanno hoostaga Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubada hoose. Wararka ay helayso Idaacadda Simba ee Muqdisho ayaa sheegaya in Ciidanka kenya oo wata gaadiidka dagaalka iyo agabkoodi milatari ay maanta 12:00-duhurnimo ay si rasmi ...

Read More »

Dibadbaxyo Maanta ka dhacay deegaanada Puntland.

Shacabka Ku nool magaalooyinka Gaalkacyo iyo Garoowe  ayaa maanta iskugu soo baxay banaanbax ballaaran oo ay ku taageerayeen Go’aankii Puntland  ay ka qaadatay Shirkii lagusoo gabagabeeyey Magaalada Muqdisho ee looga hadlayey arimaha la xariira doorashooyinka dalka lagu wado in ay ka dhacaan Sannadkan 2016. Dadka isugusoo baxay xaafadaha Magaalooyinka garoowe iyo gaalkacyo ayaa ka mideysnaa taageeridda go’aankii shalay uu qaatay hogaamiyaha ...

Read More »

Kulan loogu baroor-diiqayey dadkii ku geeriyooday Weerarkii Liido oo maanta halkaas ka dhacay.

Muddo Isbuuc ah ayaa laga Joogaa xilligii ay Xarakada Al-shabaab weerartay hotello ku yaalla Xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho waxaa weerarkaasi uu sababay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad rayid ah oo ku cawewynayey goobtaas iyo waliba masuuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Soomaliya. Maanta Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya waxaa ka dhacay banaanbax ay soo ...

Read More »

R.Wasaare Cumar oo ka tacsiyeeyey geeridii ku timid Ambasador Abdillahi Siciid Cismaan oo Dalka Mareykanka ku Geeriyooday.

.Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Mudane Maxamed Cumar Carte, ayaa ka tacsiyeeyey geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Allaha u naxariistee Marxuum Danjire C/laahi Siciid Cismaan oo shalay ku geeriyooday dalka Mareykanka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa tacsi u direy ehelladii, asxaabtii iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuum ...

Read More »