Caruur Walaalo ahaa oo gaari Lagu Jaarsiiyay Magaaladda Muqdisho!

Inta la xaqiijiyay labo Caruur oo walaalo ahaa ayaa ku dhimatay labo qof kalana way ku dhaawacmeen, kadib markii gaari  uu ku jiiray magaaladda muqdisho.

Falkaan ayaa ka dhacay degmadda Waabari ee gobolka banaadir gaar ahaan wadada UNICEF ee u dhaxeysa Suuqa Beerta iyo Buundada qeybta degmada Waaberi.

Caruurta gaariga la jaarsiiyay ayaa da’dooda waxa ay u dhaxaysaa 14 sano ilaa 9 sano waxaaana xiliga shilka ay la kulmeen u socdeen Dugsi Qur’aan.

Darawalkii gaariga waday ayaa goobta ka baxsaday,balse waxaa markii dambe lagu guuleystay in gacanta lagu soo dhigo sida ay sheegeen mas’uuliyiinta maamulka Degmadda Waabari.

Caruurta falkaan ku dhimatay ayaa loo qaaday isbitaalka UNICEF,waxaana socda baaritaano.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*