Caetano Madeira:-“Waxaan Bogaadinayaa Geesinimada iyo Kartida Ciidamadda Dowladda Soomaaliya”

Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya, Danjire Francisco Caetano Madeira, ayaa si adag u cambaareeyay labadii qarax ee ka dhacay magaalada Muqdisho ee lala eegtay dad aan waxba galabsan.

Habeenkii jimcaha aheyd sabtina soo galayay inta u dhaxeysa 6-dii iyo 7-dii galabnimo, ayaa labo baabuur oo laga buuxiyay walxaha qarxa lagu qarxiyay meel u dhow Xarunta NISA iyo madaxtooyada Villa Somalia, kaddibna Al-Shabaab waxaa ay rasaas ku fureen dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

“Waxaan tacsiyo tiiraanyo leh u diraya ehelladii dadkii ku waxyeeloobay weerarkii wuxuushnimada ah, kuwaas oo looga dan lahaa in argagax lagu abuuro bulshada. AMISOM waxaa ay si xooggan u cambaareyneysaa weerarkan, waxaa ayna mar kale dib u xaqiijineysaa go’aankeeda ah in ay si dhow ula shaqeyso Ciidamada Ammaanka ee Soomaaliya si Soomaaliya looga xorreeyo Al-shabaab,” ayuu yiri Danjire Madeira.

Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika waxaa uu boogaadinaya geesinimada iyo kartida Ciidamada Ammaanka ee Soomaaliya iyo AMISOM, kuwaas oo ku guuleystay in ay ka adkaadaan  Al-Shabaab ee ku lug lahaa weerarka.

Kaddib wax qabadkooda geesinimada ahaa, ayaga oo isla markana dadkii ku dhaawacmay u qaaday Isbitaalka Heerka 2-aad ee AMISOM, Ciidamada Jawaab-celinta Degdegga ah ee AMISOM waxaa ay ku lug yeesheen dhacdo ka dhacday bar-kontarool ay leedahay NISA oo u dhow KM4.

Dhacdadaasi waxaa baaritaan ku wada Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo AMISOM.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*