Cabdiraxmaan Cumar Oo Lagu Xukumay Dil Toogasho Ah + Akhriso

07/08/2018  ayaa la soo gaba-gabeeyay Maxkamadeynta Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow)  oo loo heysto dilka Marxuum Xasan Abshir Warsame oo ka dhacay magaalada  Beladweyn.

Eedeysane Yariisow ayaa ka tirsanaa Ciidamada Xoogga dalka gaar ahaan  qeybta 27-aad  ee ka howlgasha deeganada maamulka Hirshabelle, ka inta uusan dilkan geysan.

Yariisow  Wixii xilligaas ka dambeeyay ayuu isaga soo baxsaday halka uu dilka ka geystay ee aheyd Magaalada Beledweyn ee  xarunta gobalka Hiiraan, isagoo soo  gaaray caasimada Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ayaa isku dayay in u iska diiwaan  geliyo dugsiga tababarka Boliiska ee Jeneraal Kaahiye xilligaasi uu ku dadaalayay badalka magiciisa iyo ku biiristiisa, balse ciidamada boliiska oo haayay xogta Yariisow ayaa gacanta ku soo dhigay iyago ku wareejiyay xafiiska xeer ilaalinta Qaranka.

Gaashaanle Dhexe Xasan Cabdiraxmaan Aadan Wabiyow oo kamid ah  Garsoorayasha Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa u sheegay Garsoor in Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow)  go’aankiisa loo tiiriyay Qiraalkiisa oo ahaa in ay kaga fakatay xabad Marxuumka , Marqaatiyaal goob joog u ahaa dilka weliba cadeeyay in uusan wax gar-gaar ah u fidin kadib dilka balse uu baxsaday iyo doodii qareenada ee aheyd in loo naxariisto loona fududeeyo ciqaabta maadaama uu qirsan-yahay, waxa ayna Garsoorayaasha gaareen in Ex Dable Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow uu yahay dambiile galay dambiga lagu soo oogay, Sidaasna loogu xukumay dil toogasha ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*