Cabdi Qeybdiid oo Aqalka Sare u Gudbiyay Warbixin La Xiriirta Weerarkii Hoygiisa Lagu Qaaday

Xildhibaanada Golaha Aqalka sare ee Soomaaliya ayaa waxa ay maanta Xaruntooda ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho ku yeesheen kulan Looga dooday Ajandayaal Fara badan oo muhiim ah.

Kulanka Xildhibaanada Golaha Aqalka sare waxaa soo Xaadiray 38 sanator Waxaana Shir Goddomiyay Cabdi xaashi Cabdulaahi Gudoomiyaha Golaha aqalka Sare.

Ajandayaasha Kulanka Xildhibaanada Golaha Aqalka sare ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa Waxa ay ahaayeen.

1-Warbixin Laga dhageystay Guddonka Aqalka Sare.

2-Dabagalka iyo ka tashiga Weerarkii lagu qaaday Guriga uu muqdisho ka dagan yahay Sanator Cabdi Xasan Cawale Qaybdiid.

3-ka doodista Xeerka Dhowrida Gobanimada iyo Midnimada Gayiga Soomaaliyeed Ee kasoo Gudbay Golaha Shacabka,Iyo Arimaha Amniga Golaha Aqalka sare.

Ugu horeyntii  Waxaa Warbixin Laga Dhagestay Godoomiyaha Golaha Aqalka sare Cabdi xaashi Cabdulaahi.

Intaasi kadib Waxaa La guda galay Ajandaha kale oo ahaa Dabagalka iyo ka tashiga Weerarkii lagu qaaday Guriga Uu muqdisho ka dagan yahay Sanator Cabdi xasan Cawale Qaybdiid.

Sanatorka oo arintaasi ka hadlay ayaa sheegay in Guddigii Uu magacaabay Madaxweynaha Dowladda Federaalka soomaaliya ee arintaasi in ay baaran loo magacaabay aysan muddo 3-bilood ku siman aysan wax jawaab ah ka bixin.

Sanator Cabdi qaybdiid ayaa sheegay in lagu wargaliyey sababta Ciidamada Imaaraadka ay Tababaraan  usoo Weerareen Gurigiisa ay aheyd in lasoo siiyay warbixin la xiriirta in Ninkii Abaabulay Weerarkii 14 oct uu ku sugan yahay Guriga Sanator Cabdi qaybdiid.

Waxaa Kale oo uu xusay in Amarkii lagu Weeraray Hoygiisa uu bixiyay Taliska Ciidamada Nabad-Sugida Iyo sirdoonka Qaranka Ee Nisa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*