shariif-xasan

Boorarka Shariif Xasan Shiikh aadan oo Wadooyinka Muqdisho Laga Fujinayo

Xili maanta doorashadi ka dhcday Magaalada muqdisho ee Gudoomiyaha Baarlamaanka soomaaliya uu ku soo baxay Maxamed Shiikh Cusmaan jawaari ayaa dhinca kale waxaa Guul daro siyaasadeed ay soo wajahday Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya Shariif xasan shiikh aadan madama uusan xiligaani u tartami karin Doorashada Madaxweyaha Soomaaliya.

Shirkadihii uu heshiiska kula galay boorarka ay sawiradiisa ku xardhanaayeen ayaa goordhow bilaabay in ka fujiyaan wadooyinka magaalada  mudisho balayaasha uu ku sawiran yahay Shariif Xasan Shiikh aadan.

Waana markii Labaad ee shariif Xasan Shiikh aadan uu guuldaro la kulmaayo xili sanadkii 2012-ka uu sidaan oo kale uu xilka ugu guuleystay Pro Maxamed Shiikh Cusmaan jawaari ah gudoomiyaha Baarlamanka Soomaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*