Booliska oo Sheegay in la Qabtay Shaqsi Lagu Tuhmaayo bixinta Imtixaanka Dowladda

Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in gacanta lagu hayo shaqsi lagu tuhmaayo Bixinta qishka Imtixaanka Dowladda.

Taliyaha booliska Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko ayaa galabta warbaahinta u xaqiijiyay soo qabashada shaqsiga la tuhmaayo.

Magaca shaqsiga la tuhmaayo ayaa lagu sheegay Jamaaludiin Xasan Xersi oo 29 jir ah,wuxuuna kamid  yahay shaqaalaha wasaaradda Waxbarashada Xukuumada Soomaliya.

Taliyaha Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in sharciga loo gudbin doono Jamaaludiin,islamarkaana lagu raad joogo shaqsiyaad kale.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.